Home » News »

War-Saxaafadeed ka soo baxday qaar ka mid ah saxiixayaasha Roadmap-ka

Muqdisho, Somalia (AOL) - Go’aankii xalay ka soo baxay Madaxda Sare ee DFKG-ah oo amrayey in dhamaystirka xubnaha Barlamaanka ee ay reebeen Guddiga Farsamada ee Xulitaanka loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dowladda KMG-ah ay siyaasiyan iyo sharciyanba khalad tahay.

Masawirkan ninka bidix jira waa Maxamed Maxamud Yusuf (Aw-Libaax), ninka dhexda ku jirana waa  Maxamed Axmed Caalin.

Heshiiskii Galkacyo ee Maarso iyo kii Addis-Ababa ee Meey 2012, waxay saxiixayaasha Road-mapka ku heshiiyeen ayna saxiixeen in farsamada xulitaanka Barlamaanka cusub loo daayo Guddi madaxbanaan oo ka kooban; 27 xubnood oo Soomaali-ah iyo 7 xubnood oo beesha calamka ka socota. Gudigaas oo xubnaha Barlamaanka odayaal dhaqameedka ka hubinayo in ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyey ee ka midnoqoshada xubnaha Barlamaanka cusub.

Ujeeddada gudigaan madaxa bannaan loo sameeyey waxay ahayd in soo xulitaanka Barlamaanka cusub laga ilaaliyo faragelin Dawladda TFG iyo saxiixyaasha kale ee Road-mapka.

Shalay oo taariikhdu ahayd Agoosto 25, 2012 ayaa Guddiga Madaxbannaan shaaciyeen in 253 xubnood oo Barlamaanka cusub 00 ah 92% ay soo dhamaystireen, taas oo ka turjumaysa in tiro Barlamaan oo ka hawlgelikarta Shaqada dastuuriqa ee barlaamaanka ay diyaar yihiin.

Waxaa waajib ah in Guddiga loo daayo gunaanadka shaqada loo igmaday, lagana joojiyo faragelinta lagu hayo, waxayna shaqadoodu dhammaanaysaa marka ay iclaamiyaan in 275-tii xubnood ee Barlamaanka cusub buuxo lana dhaariyey.

Halkaan ka akhri qoraalka labada hogaamiye oo saxiixan.

Waxaa saxiixay:
___________________                       __________________________

Maxamed Axmed Caalin                             Maxamed Maxamud Yusuf (Aw-Libaax)
Madaxweynaha Galmudug                         Madaxa Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " War-Saxaafadeed ka soo baxday qaar ka mid ah saxiixayaasha Roadmap-ka "

  1. Aragtideeyda Markaan kahadlo niman
    Kaas Yuusu Iyo caalin waasaxanyihiin
    Kuwa kasoo harjiida iyo kuwa iy udodan
    Hayan midna ma astaahilaan

  2. garaad says:

    wixii lagu heshiiyay wa sida uu ssheegaay caalim iyo libaax iyo farool iyoo gaas waxxaasse si uu daan ugu ffushadoo jcel inuu arintas wax ka bedelo labada shariif oo caloooshoo u shaqaystayaal iy damiir laawayaal