Home » News »

War Saxaafadeed kasoo baxay Xubnihii Hore ee Baarlamaanka


Shir Ballaran oo ey isugu yimaadeen Xubnihii Baarlamaankii hore ee u Dhabar adeygay samata bixinta Dalka iyo Dowladnimada, gaar ahaan kuwa aan soo gelin Baarlamaanka cusub, ayaa Dood dheer iyo Falanqeyn kadib waxey isla garteen qodobada soo socda:

1-  Taageeridda ka gudbitaanka Marxaladdii kumeel gaarka aheyd ee Curyaamisay Dowladihii dibadda lagu soo Yagleeli jiray.

2-  Soo dhaweynta Baarlamaanka Cusub ee Dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Talo Soo Jeedinta Xubnihii Hore:

a)  Xubnuhu waxey Baarlamaanka Cusub usoo jeedinayaan iney Gudoonka Baarlamaanka u Doortaan Mudane ku Sifoobay Wadaniyad, Waaya argnimo Iyo Hufnaan, aqoon durugsanna u leh Shuruucda dalka & tan Caalamkaba, oo Sumcad sare leh.

b)  Iney Danta guud ka hormariyaan Danta gaarka ah, kana fogaadaan wax kasta oo khilaafaad keeni kara.

c)  Iney Hogaanka Dalka u Doortaan Muwaadin Xog ogaal ah, Kuna sifoobay Karti iyo Daacadnimo, una Damqanaaya Dalka, Dadka iyo Diintaba.

Baaqa Xubnihii Hore:

  • Waxey Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqayaan iney taageeraan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo madaxda ow dooran doono.
  • waxey Beesha caalamka ugu Baaqayaan, gaar ahaan urur Gobaleedyada iyo Dowladaha daneeya Arimaha Soomaaliya iney Taageeraan Hey’adaha Dowladda Cusub.
  • Waxaan Hey’adha Amniga & Ciidamada Amisom ugu Baaqeynaa iney muujiyaan karti iyo Feejignaan Dheeri ah inta lagu guda jiro Doorashooyinka.

—————
Yusuf Sheik Isse, Muqdisho/Somalia.
ladane11@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.