Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Koofurta Sudaan Ambasadoor C/raxmaan Nuur Maxamad (Diirnaari)ayaa sheegay in ay tahay arin laga xumaado in dowlada Kenya ay sharci u siiso (licens) shirkado in ay shidaal ka baaraan ama ka qodaan xeebaha Soomaaliya ee ku yaala xadka ay waydaagaan Soomaaliya iyo Kenya.Safiirka oo arintasi sii ambaqaadayay waxa uu sheegay in lakabayada biyaha (Block) L21, L23, L24 oo ay Kenya u ogolaatay shirkad Talyaani ah oo la yiraado ENI iyadoo L22 ay Kenya Licens u siisay shirkad Fansis ah oo la yiraado Total SA, halka Block L5 iyo Block L26 ay ka kala baarayaan shidaal shirkadaha Mareykanka ee Anadarko Petroluem Cooperation iyo Norway State Oil oo laga leeyahay Dalka Norway.
Safiirka wuxuu Shirkaddaha Reer Galbeedka ee sida sharcidarada ah uga baaraya amo ka soo saaraya Shidaalka Xeebaha Soomaaliya ugu baaqay iney ka waantoobaan falkaasi oo ay ilaaliyaan sumcadooda, haddii ay doonayaan iney Shidaal ka baaraan Xeebaha Soomaaliyeed ay la soo xiriiraan Dowladda Soomaaliyeed oo iyadu xaq u leh bixinta Sharciga Baarista iyo Qodista shidaalka ee Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in Shirkaddii u hogaasami weyday Mustaqbalka aanay xaq u heli doonin iney Soomaaliya ay Baaris iyo Qodis.
Ugu Dambeyntii Ambassador Diinaari wuxuu Amaan iyo Boogaadin u diray Hay’adda The East African Energy Forum oo Kenya iyo Shirikadaha reer galbeedka uga digay iney si sharci daro ay Baaris iyo Qodaalba uga sameeyaan Xeebaha Soomaaliya ee k u yaala Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
——–
Axmed Lafoole
laffoole@hotmail.com


Asc dhaman. Ad ayan u so dhaweynaya tilabo kasto o lgagu jojina .biliqada ay wadan galada iyo yahuda is baheysatay. Umada so maliyeed dhamanted iyo gedo iyo juboyin dal iyo dib wa iney muda harad bilowan .koley caloshod u shaqeystayal ayay wataane.