Ka: Gudiga fulinta ee Horumarinta Xaquuqul Insaanka, Jaaliayadda Qurbajoogta Somaaliyeed Ee Waqooyiga Amerika
Ku: Baarlamaanka Cusub ee Dawladda Federaalka Somaaliyeed
Ku: Amb. Augustine Mahiga, Xoghaya Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soamaliya
Ku: Taliyaha Ciidmada Nabad Ilaalinta ee Amisom
Ku: Xafiiska Arrimaha Africa ee US department of State
Ku: Xubnaha Beesha caalamka ee Arrimaha Somaaliya
Ku: United Nations monitoring Group of Somalia
Ku: Odayaasha Dhaqanka Soomaliyeed
Ku: US Senator Amy Klobuchar, MN
Ku: US Congressman Keith Ellison, MN
Ku: Madaxweynaha Dawladda Puntland
Ujeedo: Sii Dayn deg deg ah Xildhibaan Abdibare Yusuf Jabril
Golaha Qurbajoogta Soomaliyeed ee W/Ameerika, Gudiga waaxda Horumrinta Xuquuqul Insaanka, waxay iyagoo ka xun xadgudubka lagu sameeyey Xildhibaan Abdibare Yusuf Jabril isla markaasna ah Muwaadin leh jinsiyadda Mareykanka -Caddaynaysaa in si xaqdaro ah loogu xiray Magalada Mogadishu taariikhdu markey aheyd Agoost 16, 2012. Xarrigaas iyo xad-gudubkaas oo ay geysteen shaqsiyaad ka tirsan xubnaha ugu sareeya dawladdii TFGda ee xiligeedii dhamaaday. Kuwasoo uu ugu horeeyo Madaxweynihii hore ee xilkiisii dhamaaday Md. Shiek Shariif S. Ahmed iyo Taliyihiisa Waaxda Socdaalka Md. Abdullahi Gaafoow.
Waxaan shaki nooga jirin in xadgudubkaas loo geystay Xildhibaanka uu meel ku dhac ku yahay Qaranimda iyo sharafta Soomaliyeed. Sidoo kale, waxaa sharaf xumo ah in meeshii dalka looga talineyey lagu afduubto xildhibaan Soomaliyeed, taasoo soo deji-dejineysa in laga tashada rugtii caasimad ummada u dhexeysa noqon laheyd!.
Sidaas awgeed, anagoo ah Qurabjoogta Jaalliyadda Soomaaliyeed ee W/Ameerika waxaan halkaan ka cadeyneynaa:
1. In haddii xaktin yar soo gaarto Xildhibaanka ay ka mas’uul yihiin Sheikh Shariif Sh. Ahmed iyo Abdullahi Gaafow.
2. In labadaas shaqsi tacidi iyo xadgudub ku sameeyeen xuqququl insaanka xildhibaanka iyagoo adeegsanaya awood dawladeed
3. In Xildhibaanka looga aargoosanayo si awood ku jirto ka xog-warankii uu siiyey Hey’adda Dabagalka Hantida Qaranka Soomaliyeed (UN Monitoring Group)
4. In Abdullahi Gaafoow siideynta xildhibaanka ku xiray shuruudo meel ku dhac ku ah sharafta Dawladnimada Somaliyedd iyo geedi socodka nabadda.
5. In Xildhibaanka si joogta ah loogu hanjabo naftiisana khatar ku jirto.
Ugu dambayntii Jaalliyadda Qurbajoogta Soomaaliyeed ee W/America waxay ka dalbanaysaa in hay’adaha kor ku xusani ay u gurmadaan sii daynta iyo ka furfuridda shaqsiyaadka ugu xoog sheeganaya shaarka dawladeed ee ay gashan yihiin Xildhibaanka isagoo ay aad uga wel-welsan yihiin ugu horreyaan familkiisa (Xaaskiisa iyo Caruurtiisa) oo ku nool Waqooyiga Ameerica iyo Dhammaan xubnaha Jaalliyadii uu ka tirsanaa.
Gudiga Waaxda Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jaalliyadda Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Waqooyi Ameerika:
1 Prof. Abdirizak Abdullahi (Janagale)
2 Ganacsade Abdullahi Mohamed Adam (Karaaye)
3 Aqoonyahan Abdirizak Ali Bihi
4 Ganacsade Adan Cali (Aden Dhagax)
5 Nabadoon Ciise Cali Jamac (Cise Tay)
6 Ganacsade Siciid Hassan Cirjuge
7 Nabadoon Mahad Gafaa Xaji Farah
8 Hassan Haji Farah Yahye.
————–
Baaqaan waxaa AOL soo gaarsiiyay Hussein Eissa oo lagala xariiri karo haeissa2015@hotmail.com.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.