Home » News »

Guddoomiyaha Xisbiga DPS Gen. Maslax Maxamed Siyaad Barre ayaa u hambaleeyay Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cisman Jawaari

Gudoomiyaha xisbiga DPS Gen. Maslax Maxamed Siyaad Barre ayaa waxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku guulaystay gudoomiyenimada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Enj. Maslax ayaa ku tilmaamay Prof. Jawaari in uu yahay nin muddo dheer u soo shaqeeyay dalka iyo dadka soomaaliyeed, kana qayb qaadan dagaaladii sokeeye ee dalka ka socday 20kii sano ee la soo dhaafay, maantana u istaagay in uu wax ka badalo xaaladda addag ee dalku maanta ku jiro.

Guddoomiyaha xisbiga DPS ayaa waxuu intaa ku daray, in uu yaqaanay  Prof. Jawaari muddo aad u dheer kuna tilmaami karo in uu yahay sharci yaqaan ku haboon jagada Afhayeenka Baarlamaank dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyuhu waxuu kaloo hambalyo u dirayaa gudoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar iyo kan labaad Mahdi C/dulle Cawad oo ayaguna uu ku sheegay in ay yihiin aqoonyahanno hanan kara xilka loogu dhiibay ummadda Soomaaliyeed.

Enj. Maslax ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in waa cusub u baryay umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba, ugana mahad celiyay xubnaha baarlamaanka doorashadii ay doorteen Prof. Jawaari asagoo ku sheegay in doorashadaan ay rajo badan galin doonto umadda Soomaaliyeed.

Gen. Maslax oo ka mid ah musharaxiinta u taagan tartanka Madaxwaynenimada Soomaaliya ee la filayo maalmaha foodda inagu so haya ayaa carabka ku adkeeyay in umadda soomaaliyeed ay ka filayso baarlamaanka cusub daacadnimo iyo waxqabadan, si mug lehna uga soo bixi doonaan howlaha  muhiimka ee horyaal sida ansixinta dastuurka iyo doorashada madaxwaynaha.

———–
Dualeh Hersi, S.W/USA.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Guddoomiyaha Xisbiga DPS Gen. Maslax Maxamed Siyaad Barre ayaa u hambaleeyay Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cisman Jawaari "

  1. Ashkir Ali says:

    Waa wax lagu faano in maanta Somali heshay gudoomiye baarlamaan, ilaahayna waxaan ka baryayaa in inta dhiman nabad noogu dhameeyo..aamiin

  2. Jama OHIO says:

    Engineer Maslax waa sugaynay waxbadan, waana rabnaa inuu tartamo.

  3. asc umada rergedo intasi kadib walalyal an ka sheqyno nabada