Home » News »

Jaalliyada Somalida OHIO oo ku qanacday doorashadii Dr. Jawaari

Jaalliyadda Somalida ee Gobolka Ohio ayaa Warsaxaafadeed ka soo saartay guusha doorashada Gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Shir saxaafaddeed ay ka soo qayb galeen Gudigga Digil iyo Mirifle iyo Odayaasha Somalida ee Gobolka Ohio ayaa waxaa ay ku Sheegeen in ay ku qanceen helitaanka codka Professor Jawaari ku noqday Gudoomiyaha cusub Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Gobolka Ohio Farxiyo Haji Mustafe Abukar (Farxiya-Wedgewood) ayaa waxay goobta ka sheegtay in ay Jaaliyaddani taageersan tahay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Professor Jawaari. Sidoo kale, Jaaliyadda Ohio ayaa waxay isku-raaceen in Professorku uu yahay nin leh Aqoontii iyo kartidii uu ku hogaamin lahaa barlamaanka soomaaliya oo ah masuuliyad weyn ah.

Jaaliyada ayaa waxay tilmaameen in Professorku uu xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaalida afarta iyo barka waaxood-ba, cilaaqaad fiicana uu abuuri karo.  Professor Jawaari ayaa lagu tilmaamay nin nabadda aad ujecel.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadaan cusub ayaa wax ka bedalaysa mustaqbalka siyaasadeed ee Gudoomiyhii hore ee Barlamaanka Mr. Shariif Hassan.

————–
Farhia Abukar, Columbus, Ohio
farhiawedgewood@gmail.com.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.