Home » News »

Maxamed Farmaajo oo hambaliyo u diray Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo Xildhibanada Cusub ee Somalia

Ra’isal wasaarihi hore ee Somalia Dr. Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa uu  hambaliyo iyo boogaadin uu dirayaa Afhayeenka Cusube ee Barlamanka Somalia  Prof. Maxamed Cisman Jawaari.

Dr. Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa waxaa uu doraashada  Prof. Maxamed Cisman Jawaari ku tilmaamay waa cusub oo u baryay ummada Soomaaliyeed.”Prof. Maxamed Cisman Jawaari waa Aqonyahan mudo dheer Maamul kusoo jiraay isla markaana wax weyn ka badali kara marxaalada adag ee ay somalia ku sugan tahay iminka” ayuu yiri  Farmaajo.

Afhayeenka Barlamanka waa shaqo aan sahlanayn waxaana ka bixin kara oo si nadiif ah bulshada ugu adeegi kara qofka wax ka yaqaana Sharciga Prof. Maxamed Cisman Jawaari waxaan filayaa inuu ka bixi karo  dhamaan shurudahas, marka waxaan leyahay “Ilahay xilka aad qadaay hakuu fududeeyo hana kula garab galo” ayuu yiri mar kale Mr. Farmaajo.

Dhanka kale, mudane Farmaajo ayaa waxaa uu sidoo kale hambaliyo u diray Dr. Cali Khaliif Galayr oo  asaguna mujiyay dadaal badan, balse aan nasiib u yeelan in uu haleelo Afhayeenka Barlamanka Somalia.

“Waxaan halkan sido kale uga bogaadinayaa Dr. Cali Khaliif oo asaguna mujiyay dadaal   dheeri ah waxaan  leyahay waxaad mujisay karti iyo wanag markii aad walalka u tanasushay”, sidaas waxaa yiri mudane Farmaajo.

Ra’isal wasaarihi hore ee Somalia Dr. Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa waxaa uu sido kale hambaliyo u diray Xildhibanada Cusub ee Somalia oo uu ku sheegay geesiyaal usoo diyaar garobay in ay dhibatada ka saraan Wadanka Soomaaliya.

“Xildhiibaanada Cusub ee Somalia waa geesiyaal ay ka go’an tahay samata bixinta Qaranka Soomaaliyeed,  waxaana cadeyn u ah sida nadiifta ah ee ay codkooda u bixiyeen” ayu yiri Formaajo.

Farmaajo ayaa waxaa uu sido kale Xildhibanada Cusub ka codsaday in ay Codkooda siyaan si uu u dhamays tiro howlihii qaybyada ka ahaa, waxaana uu balan qaaday in 4-t sano ee soo socota uu Somalia cusub dhidibada u taagi doono.

—————
Axmednuur Maxamed Jamac, Muqdisho-Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Maxamed Farmaajo oo hambaliyo u diray Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo Xildhibanada Cusub ee Somalia "

  1. mukhtaar says:

    Hala doorto Mudane Farmaajo/waa fursad qaali ah oo loo baahanyahay inaynu kawada faaidaysano/ waayo ninkani maaha Qabiil waa nin Somalida oo dhani isku mid utahay
    Fadlan Fadlan Codkiina siiya Mudane Farmaajo aan barwaaqo gaarnee

  2. amina says:

    waxaan leeyahay hala taageero farmaajo noooooooooooooolow farmaajaa mudnaanta leh