Garbahaarey, Somalia (AOL) – Kulan Balaaran oo ay isugu yimaadeen Nabadoonada, Odoyaasha dhaqanka, Culamu’diinka iyo Waxgaradka Jifada Reer Nuur Yuusuf (Ena Nuur) oo ka mid ah Jifooyinka Beeladha SADE oo ka dhacday Magaalada Garbahaarey oo ah Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxay si qoto dheer uga wada hadleen marxalada Cusub ee kala guurka ah ee dalka uu marayo iyo baahida loo qabo Dowlad cusub oo ka dhalata dalka isla markaana wax ka qabata, nabada iyo adeegyada kale ee bulshada.
Kulankaasi ka dib ayaa waxaa shir jaraa’id qabtey Maxamed Cabdi Cilmi (Lugod) oo ah Afhayeenka Odoyaasha Dhaqanka Beesha Reer Ena Nuur ee ku shirtey Magaalada Garbahaarey oo faahfaahin ka bixiyey waxii ay ku shirtey Beeshu, waxaana uu sheegay in beesha ay si buuxda u soo dhaweynayso Xildhibaanada Cusub.
————
Maxamed Cabdi Cilmi (Lugod), Garbahaarey/Gedo.

Maxay kuso dhaweyen beshaas barlamanka cusub mawaxey ogyihin waxa kaso baxaya mase waxey modeen in wadanku xoryahay o laga xoreyey alshabab iyo ururka mahiga
beesha soo dhaweysay oo aan la sheegin cida ay tahay ???
hadii ay jiraan waxaan filaayaa in aysan ka turjumaynin xaqiiqada iyo dareenka Sade!!!!
Iska qaata waad waayi doontaane maalin ayaan 6 heli doonaye xaq ma ahayn mana xigin wixi la qaybsaday