Home » News »

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdiho, Somalia (AOL) – Kaddib markii ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay tartan adag u galeen musharaxiin dhowr ah, ayaa waxaa ugu danbeyntii jagadaas ku guuleystay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Prof. Jawaari ayaa wareeggii koowaad helay 119 cod ayada oo tirada la rabay inuu ku guuleystana ay aheyd 139.

Guusha maaanta uu gaaray musharaxaan ayaa timid kaddib markii uu Prof. Cali Qaliif Galeyd uu u tanaasulay.

Waa tan hoose natijadii ay wareegii 1aad kala heleen shantii musharax ee tartanka ugu jiray Guddoomiyaha Baarlamaanka:

1.   Prof. Jawaari waxuu helay 119 cod
2.  Prof. Cali Khaliif Galeyr waxuu helay 77 cod
3.  Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxuu helay 23 cod
4.  Cabdirashiid Maxamed Xiddig waxuu helay 10 cod
5.   Iyo Xasan Abshir Faarax oo helay 5 cod.

Saddexda murashax ee ugu codadka yaraa ayaa waxay ku dhawaaqeen inaysan ka qaybgalay doorashada wareegeedda labaad, iyadoo markaas ay isku soo hareen oo keliya Jawaari iyo Galleyn, inkastoo Galleyr uu mar dambe ku dhawaaqay inuusan ka qaygalay doorashada, taasina ay keentay in Prof. Jawaari uu noqdo guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya.

Ku guuleysashada Guddoonka Baarlamaanka uu maanta Prof. Jawaari ku guuleystay ayaa waxay kusoo beegmeysaa kaddiib markii uu dalka Soomaaliya muddo 21 sanadood ah uusan laheyn Guddoomiye Baarlamaan oo joogta ah.

————
Maxamed Faarax Cabdille, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya "

  1. Sharmake says:

    Wan kufaraxsanahay sida wanagsan o ey wadaninimada kujirto o lodortay (speaker of the perliament) prof.jawari waxanan urajeynaya guul

  2. Darwiish-Sare says:

    Wad Salaamantihiin Allgedo iyo Akhristayaashuba…

    Waan soo Dhawaynayaa Guusha Jawaari iyo Gobanimada Galaydh ee aysan Qof kale ka suurtowdeen in iyadoo Wareeg kale u Furanyahay uu u Tanaasulo markuu arkay in ay Laba Aqoonyahan oo Somaliyeed oo Rag Waaweyn ahi isu soo Hadheen aan la isi sii Xag-Xagan… Taasina Waa Gobanimo oo waa loo Dhashaa…

    Tan kale Waxaan Aad ula sii yaabanahay Hadalkii Cuqdadu ka Buuxday ee kasoo Yeeray Xasan Abshir Farax, Hadalkaas oo la odhan karo Wuxuu ku Hor kufay Masraxa Siyaasadda ee Somaliyeed Wuxuuna Banaanka soo dhigay Nacaybkiisa Qabiilka ku Salaysan,, Laakiin waa Af caytamay ninkiis baa leh oo uu ku Yaallaa….

    Mahadsanidiin
    Somalia ha noolato