Gaalkacyo, Somalia (AOL) – Waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo xariga loo geystay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ah siyaasi ka soo jeeda Deegaanada Puntland isla markaana xubin ka ah Baarlamaanka cusub, kaasi oo in ka badan 10 maalmood ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.
Dibadbaxayaal isugu jira qeybaha bulshada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo watay boorar waaweyn oo ay ku qoran yihiin xaqdhowr Xildhibaanka ayaa waxay socod dheer ku soo mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada Gaalkacyo, waxayna ku dhawaaqayaan waa sharci darro xariga Xildhibaan Cabdi Barre, waxaa xiray dad daneystayaal ah oo doolar qaatayaal ah ayay ku hadaaqayeen dadweynaha banaanbaxayay.
Banaanbaxayaasha ayaa jeediyay hadalo kul kulul oo ay ku cambaareynayaan xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, waxayna eeda xariga dusha u saareen oo ay sheegeen in uu geystay C/laahi Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ay horey u soo wada shaqeyn jireen Xildhibaan Cabdi Barre. si kastaba ah ahaatee waxaa aan shaki kujirin in xariga Xildhibanku uu samayn aad u balaran kuyeesha daman deganada Puntland aydoo laga shaki qabo in sacadaha soo socda ay isku basho in tar gad laga dhigto besha Dhigyacab Gaafo ee dagan Deganada Puntland hadan si dag dag ah loo soo daynin xildhabanka sida sharcidarada ah ugu xiran xabsiga.
Dadkaan oo wajigoogu ay ka muqatay caro aad u ba an ayaa waxaa aay socod dheer ku maren dhaman xafadaha Magaclada Galkiyo aygoona erayo ka dhana usoo jedinayay Madax waynaha Puntlan iyo Maxad da cidamada ee DKG ahayd ee wax tigeedu dhamaday.
Masawirada hoose midka aad rabto in aad daawato si uu kuugu weynaado dushiisa hal mar Guji, marka uu kuu furmo, haddana mar kale Guji si uu kuugu sii weynaado.
———–
Dr. Shirwa Abdisalan Mohamud, Galkacyo/Somalia.














comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.