Home » News »

Farmaajaa Mudnaanta leh! By Daahir F. Afdheere

Baal dahabi ah oo aan marnaba duugoobi karin ayay taariikhda ka gashay muddadii yarayd ee uu Ra’isul-wasaaraha Soomaaliya ahaa Dr. Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, waxaanna guud ahaan Shacabka soomaaliyeed u baryay waa cusub oo ifafaalo rajo xambaarsan, kaasoo ay shacabku dareemeen neecaaw Dawladnimo oo shacabka intiisa badan ku abuurtay yididillo ah inay Soomaaliya Mar kale dib u soo noolaan karto.

Waxaa aan marnaba la inkiri karin in Shacabka soomaaliyeed ay aad ugu riyaaqeen hannaanka ama majaraha hagaagsan ee uu mudane Farmaajo muujiyay Mudadaas yar ee uu Ra,isul-wasaaraha ka ahaa Soomaaliya.

21 sano oo bur-bur ah kadib ayaa wuxuu Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” uu  ku sifoobay masuulkii ugu horeeyay ee hoggaanka Soomaaliya soo mara ee kasbada taageerada ama kalsoonida Shacabweynaha Soomaaliyeed, taasoo la oron karo wuxuu ku mutaystay Daacadnimo, haw-karnimo,waddaniyad, dulqaad, tanaasul Iwm.

Dr. Maxamed Cabdullaahi “ Farmaajo” oo haatan u taagan xilka Madaxweyne ee doorashada lagu wado inay dhacdo maalmaha foodda nagu soo hayo ayaa dad fara badan oo aad ugu xeeldheer siyaasadda Soomaaliya waxay ku tilmaameen in aanu marnaba ahayn shaqsi Xildoon ah oo kaliya ee uu yahay Xaldoon ku yimid codsiga Shacabka soomaaliyeed oo ka maarmi waayay, taasoo ay sabab oga dhigeen Tanaasulkii uu kal hore la yimid.

Hadaba iyadoo illaa hadda aan la hubin cidda ku guulaysan doonta doorashada la filayo maalmamaha soo socda, ayaa haddana waxaa iska cad oo in la xuso mudan in aanu marnaba Soomaaliya Madaxweyne ka noqon karin shaqsi aan sida Farmaajo ku imaan rabitaan Shacab, si kasta oo loo doortana waxaa hubaal ah in uu fashil ku dambeyn doono, sidaa awgeed soow ma mudna in mar qura kuligeen ku dhawaaqno  Farmaajaa Mudnaanta leh!

————
Daahir F. Afdheere
Email.gulan1969@yahoo.co.uk
Birmingham. United kingdom

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.