Home » News »

Jan Brewer oo ah Haweeney Barasaab ka ah gobolka Arizona ee dalka Maraykanka oo si lama filaan ah uu carabka uga fakaday in uu Barak Obama ku guuleysan doono madaxweynaha dalka Mareykanka

Haweeneyda barasaabka ka ah gobolka Arizona ee dalka Mareykanka oo magaceeda la yiraahdo Jan Brewer oo muddo dheer dadaal adag ugu jirtay sidii ay u adkeyn laheyd xuduuda uu gobolkeeda la leeyahay dalka Mexico, ayaa maalintii Arbaca aheyd ee aan soo dhaafnay ayada oo ka hadleysa kulanka guud ee uu xisbiga Jamhuuriga ku leeyahay magaalada Tampa waxuu si lama filaan ah carabka uga dafay in uu madaxweyne Barak Obama ku guuleysan doono doorashada dalka Mareykanka ee dhici doonta bisha November ee sanadkaan.

Mrs. Brewer oo January 26, 2012 madaxweyne Obama mar uu yimid magaalada Phoenix ee gobolka Arizona kaga hortagtay garoonka diyaaradaha, kaddibna warqad yar oo gacan ku qoran oo baqshad ku jirta ka horgeysay, ayaa ayada oo careysan farta wajiga uga fiiqday madaxweynaha.


Jan Brewer oo farta ku fiiqeysa madaxweyne Barak, Phoenix, AZ, Jan. 26, 2012. (Haraz N. Ghanbari/AP)

Haweeneydaan ayaa waxay intii muddo ahba loolan ugu jirtay sidii ay u adkeyn laheyd xudduuda uu gobolkeeda la leeyahay dalka Mexico ee ay dadka qaxootiga ah uga soo qul-qulayaan iyo wax ka qabasho la’taanta dadka aan sharciga haysan ee gobolkeeda ku sugan, taasoo ay eedeedana dusha uga tuurtay Hay’adihii arrintaas shaqada ku lahaa oo ay ugu horeeyaan dowladda dhexe ee dalka Mareykanka, hogaanka socdaalka iyo waliba madaxeyne Barak Obama qudhiisa.

Si kastaba ha ahaatee, saadaalintii ay Mrs Brewer Arbacadii ku sheegtay in uu madaxweyne Barak Obama  ku guuleysan doono doorashada madaxweyne-nimo ee soo socota, ayaa dad badan oo dhageysanayay oo xisbigeeda Jamhuuriga ka tirsan ay si weyn ula yaabeen.

Hadalkii la yaabka lahaa ee ay tiri Mrs. Brewer oo Ingiriis ku qoran ayaa waxuu ahaa “I know that if President Obama is elected in November, which I hope that he is, that he will be able to come together with all of us and come up with a solution and I believe he will secure our borders and therefore we can resolve all those other issues, it’s a simple matter.”

————
Aden A. Colujoog, PHX, Az/AOL.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.