Home » Archive Montly September, 2012

Xaflad loogu dabaal degayay doorashadii madaxeynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka dhacday magaalada Phoenix ee gobolka Arizona (Sawiro)

Sep 30, 2012
Phoenix, Az (AOL) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa waxay habeynimadii xalay magaala madaxda gobolka Arizona ee Phoenix ku qabteen xaflad aad u qurux badan oo lagu soo dhaweynayay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sh. Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari.) Xafladdaan ayaa waxaa si wada jir ah usoo... 

Kooxda Qaylo dhaan “Soomaaliya waa iib” Dhageyso hees wadani ah oo aad u qiimo badan.

Sep 30, 2012
Kooxda Qaylo dhaan oo looga bartay in ay ka qeyb qaataan wacyi galinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed ayaa hees ay hadda ka hor soo saareen waxay ku cabireen inuu dalka Soomaaliyeed yahay mid la iibinaayo, taasoo ay hal ku dhig heestooda uga dhigeen “Soomaaliya waa iib ama Somalia is for Sale!.” Heestaan waxaan u dooranay in aan soo galino Allgedo anaga oo u aragnay in ay mudan... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Baaqna U Diray Ha’adaha Gargaarka Inay Gacan Siiyaan Dadkii Ku Wax Yeeloobay Fatahaada Wabiga Shabelle (Sawiro)

Sep 30, 2012
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo qayb galay shirkii QM ee magaalada New York iyo Shirar gooni gooni ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan Madaxda Caalamka. Waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Saraakiisha, Dhalinyaro, Haween iyo dadweyne aad u fara badan. Ra’iisul... 

Duqeymo Diyaaradeed oo ka dhacay Baardheere oo sababtey khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac (Sawiro)

Sep 30, 2012
 Ilaa labo Diyaaradood oo ah nooca Qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Miiga, isla markaana loo maleynayo in laga leeyahay Dalka Kenya ayaa September 29 Salaadii duhur ka dib waxaa ay Duqeymo dhinaca cirka ah ka geysteen gudaha Magaalada Baardheere, gaar ahaan guryo ay deganaayeen dad rayid ah, iyadoo Duqeymahaasina ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Meelaha sida gaarka ah loo... 

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada Baladweyn iyo Kismaayo (Sawiro)

Sep 29, 2012
Mogadisho, 29, Sept, 2012….ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaada Xoolaha Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta Shir jaraa’id uu saxaafadda u qabtay kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xorayntii Magaalada Kismaayo iyo Fatahaadii wabiga Shabelle ee Magaalada Baladweyn, iyo Amniga magaalada Muqdisho. Ugu horayntii ku-simaha... 

Al-Qaida group al-Shabab withdraws from its last stronghold in Somalia

Sep 29, 2012
The al-Qaida-allied al-Shebab militant group said it had left the city of Kismayo, seen above Friday, after it was attacked by a Kenya-Somalia force. By NBC News wire serives MOGADISHU, Somalia — Somalia’s al-Shabab rebels withdrew from the southern Somali city of Kismayo overnight, the rebel group and residents said Saturday, a day after Kenyan and Somali government forces attacked the... 

Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aden Xumad ayaa sheegay in ay ciidamadooda gudaha u galeen magaalada Kismaayo (Daawo Video)

Sep 29, 2012
Afhayeenka ciidamada AMISON Col. Cali Aden Xumad ayaa xaqiijiyay in ay ciidamadooda gudaha u galeen magaalada Kismaayo, isla markaana ay dhaqsiyo gacanta ugu dhigi doonaan guud ahaan magaalada amaankeedana ay adkeyn doonaan. Mar wax laga weydiiyay afhayeenka in ay magaalada Kismaayo laga duqeeyo maraakiib iyo waliba diyaarado ayaa waxuu sheegay in aanay ciidamadooda laheyn Maraakiib, balse ay leeyihiin... 

Mileeshiyadii Al-Shabaab oo Kismaayo isaga baxay iyo bililiqo ka socota goobihii ay ka baxeen

Sep 29, 2012
Kismaayo, Somalia (AOL) – Habeynimadii xalay ayay Mileeshiyadii Al-shabaab baneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Kismaayo ayada oo sababta ay sidaas u yeeleena ay Al-shabaab ku macneeyeen in ay tahay xeelad dagaal. Habeyn hore ayay aheyd markii ay ciidamada Kenya oo wata doomo yar-yar ay magaalada Kismaayo kasoo galeen dhinaca xeebta, taasoo keentay dib u gurashada Mileeshiyada... 

Xoogagga huwanta ah oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo.

Sep 28, 2012
War hadda naga soo gaaray gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Huwanta ay duulaan culus saaka kusoo qaadeen dhanka magaalada Kismaayo iyaga oo dhanka xeebta kasoo galay deegaanadaasi waxaana ay saarnaayeen maraakiibta dagaalka sida ay inoo sheegeen dad ku sugan halkaasi. Mar qura ayaa la arkay ciidamo Milatari o Kenya iyo dowladda Soomaaliya isugu jira kuwaas oo kasoo baxay dhanka badda... 

Maxamed Cabdi Kaliil “hadalkii Kenya kasoo yeeray waxuu ahaa mid lagu shubtay oo siyaasad iyo ujeedo gaar ah laga lahaa” (Dhageyso wareysi)

Sep 27, 2012
Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo maanta qad Teleefan ay AOL wareysi kula yeelatay ayaa waxuu ka hadlay arrimo dhinacyo badan taabanayo oo ay ka mid yihiin: Sababta keentay in ciidamada dowladda Soomaaliyeed iyo kuwa Ahlu suna Wal-jameeca oo gacan ka helaya dowladaha Kenya iyo Itoobitya ay ilaa iyo hadda u qaban la’yihiin degmooyinka gobolka Gedo ee wali gacanta Al-shabaab ku jira...