Home » News »

Aqriso magacyada guddiga doorashada iyo howlaha ay qabanayaan

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa maanta Gudoomiye ku xigeen u doortay xildhibaan Axmed Cusmaan Ibraahim (Daqare), sidoo kale waxaa Afhayeen loo dootay in uu noqdo Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim, iyagoona Khasnajiga Guddiga u doortay Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye.

Gudiga qabashada Araajirada iyo Qoraalada

1.  Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud
2.  Xildhibaanad Muumino Shiikh Cumar
3.  Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise
4.  Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim
5.  Xildhibaan Axmed Aadan Axmed

Guddiga amniga iyo Habmaamuuska

1.  Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
2.  Xildhibaan Cusmaan Libaax
3.  Xildhibaan Maxamed Shiikh Aadan Hiiraale
4.  Xildhibaan Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo)
5.  Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir

Guddiga Dhaqaalaha

1.  Xildhibaanasd Khadiijo Maxamed Diiriye
2.  Xildhibaan Ibraahin Saalax Deyfulah
3.  Xildhibaan Axmed Cismaan Ibrahin (Daqare)
4.  Xildhibaan Aweys Cabdulaahi Ibraahin

Guddiga Doorashada ayaa isku raacay in xilliga doorashada Madaxweynaha ay dhaceyso ay noqon doonto September 10, 2012, qabashada araajida Musharixiintana ay bilaabmi doonto September 3, 2012, taasoo kuna eg September 6, 2012.

Sidoo kale, Guddiga waxa ay Go’aamiyeen in araaji qabashada maalin waliba ay bilaabaneyso maalin walba 9:00 am (sagaalka ama saddex saac ee subaxnimo qofba sida uu u yaqaano), ayna ku ekaan doonto 5:00 pm (shanta ama kow iyo tobanka galabnimo hadba sida aad u taqaano.)

Xafiiska Araajida lagu qabanayo ayaa waxuu ku yaalaa Xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay guddiga qaabilsan doorashada madaxweynaha sheegeen in September 9, 2012 ay tahay maalinta Ololaha Doorashada, 10-ka bisha September-na tahay maalinta sida rasmiga ah ay u qabsoomi doonto doorshada madaxweynaha Soomaaliya.

————
Maxamed Cabdi, Muqdisho/Somalia.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.