Home » News, Suugaan »

KALA GUUR: Waa gabay cusub oo xambaarsan hambalyo iyo guubaabo ku socota Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka iyo xildhibaanada dhawaan la doortay (Dhageyso gabayga)

Asc. Dhammaan ummdda soomaliyeed meel aad joogtaanba, Allaah (Swt) ayaa mahad leh, Rasuulkiisa Maxamed (Scw) ayaa sharaf leh.

Waxaan halkan uga dirayaa hambalyo iyo bogaadin, xil gudoonka xildhibaanada ummada soomaliyeed Mudane Jawaahiri waxaana leeyahay “KUGU SOO SINAYE KII SAXA AHAA OO SUUBAN NOQO”, waxaa kale oo aan sidoo kale u habalyaynayaa dhammaan xubnaha xildhibaanada iyo ummada soomaliyeed meel ay jooganba, waxaana leeyahay “NIN WALBOOW NINKAAD DUUBATAY OO DOORATAY BAA DAAWADADA AH”.

Xildhibaanadana waxaan leeyahay “MAR LABAAD waxaad u tihiin gudoon, sharci iyo cadaalad, dal, diin iyo dad islaayay, WAANA TAN AAD Maanta CODKAYGA KU HESHEEN.  Waxaan idiin dooranay in aad daawo u noqtaan cudurka Soomaliya dhul dhigay. Ummadda soomaliyeed waa diyaar MAANTA  ee (BARBARKII  AY KA BAXAA BALLANTEENA U QOOLAN”.

Ugu dembayn, waxaan guushaas dhaxalgalka ah oo maanta  xildhibaanada ummaddu ay kaga jawabeen codka dadweynaha soomaliyeed kuna mataleen uga dhigayaa gabaygan hambaliyo, bogaadin iyo dhiirigelin si gaar ah. Si guudna umada soomaliyeed garooshaha ah inaan gobi gunimo geyin…gabayga ayaa ah (Kala guur ama qabiil waa Gunimo).


Gabayga Kala guur ama Qabiil waa gunimo waxaa tiriyay abwaan A. Y. JAMA Abdullahi Isim.

  Halkaan ka dhageyso gabayga Kala guur ama Qabiil waa gunimo

Ama hoos ka akhri gabayga:

GUURTIDA LA XULAY IYO GUDIGA GALAYA TAARIIKHDA

HADAAD MAANTA GARTEEN INAAD GARAB MARTEEN WAJIB

QABIIL WAA GUNNIMO EE QARANIMAA LAGU GOBOOBAA

KALA GUURKU WAA GUUL MIDNIMO OO GABAABSIDAY.

.  GO”AAN IYO GUDOON IYO GARGAAR.AAN LAGARAB JOOGSAN

SI GAAR IYO SIGUUD IYO SIDUU DOONABA U GAARE

GALADIYO NIMCADA  GUULLAHEEN DUNIDA GUUDKEEDA

GEERI IYO NOLOL LABADA WAA LOO GUDBOONYAHE

.  AADMIGUNA   WUXUU  SAMO GURTO AMA XUMAAN GEYSTO

HADAY GAASIR TAHAY  IYO HADAY HORUMAR GAARSIISO

HALKA LABADU AY KALA GALAAN BAA GUNAANADA AH

.  GARTOO XAQA GARAAD LAGU XUSHAY IYO GARASHO MEEHAAN

INKASTUU GAHAYROO GOB WEYN GUN IYO BAAR  GOOSTO

GU’YAAL BADAN MARKII AAN GASIIN GAARIN XIDIDKIISA

.  GUFKA IYO GUNTIYO  GUUDKA WAA WADA  GALOOLMAA

INTA XAY GARDHA LEH IYO CALEEN UBAX KU GAALEEMO

ISHA GALAC SANAYSIYO QALBIGA NUUR MA SOO GALO’EE

.  GARGARNA LAGAMA HELO GALANGAL IYO GEYRA DHAXAMEED

MILIC LAGAMA GALO IYO GABAAD AAD KU GAMADAAYE

GOD IYO BAHALGALEEN WUXUU  NOQDAA EELKU GAAMURO

.  HALKAAN GAARNEY IYO MEESHA AY GALABTA NOOJOOGTO

HADAAD MAANTA GARATEEN IN AAD GARAB MARTEEN WAAJIB

QABIIL WAA GUNNIM  EE QARANIMAA LAGU GOBOOBAYE

DHUL GARIIRKA WAA GALABSATAYE SAAMAX GOOB TAHAY

.   GACMO WADA JIROO  XAL U GUNTADAY GUUSHA WAA HELIYE

AAYIHII GALBADAY OO AAN GABLAMIN GEYSH U SOO KACAY

OO KALA GUURKU WAA GUUL MIDNIMO OO GABAABSIDAY

.  GUDCURKIYO  DULMIGA UU MUGDIGU GEEDI GALINAYEY

IYO DAB IYO GAAS LAGU BIBILO SUU U WADA GAARO

QARANIMADII LAGU GOOBAY OO HAYBTA LAGU GAARAY

.  ADOO GALALKA TAARIIKHDA GALAY OO MUNGUURSHA AH

GABAGABO DEMBIYO  GUBA INAY GACALO KUU HAYNIN

GODADLIYO GAWAAD IYO GAFANE GAADA LA CIYAARA AH

.  GABLAN IYO IS GAWRACA INAAN NABADA LOO GUURIN

HADAAD MAANTA GARATEEN IN AAD GARAB MARTEEN WAAJIB

QABIIL WAA GUNIMO OO  QARANIMAA LAGU GOBOOBAYE

KALA GUURKU WAA GUUL MIDNIMO OO GABABSIDAYEE

.  RUUXII  AN GARAN AMA KA GURAN BAY U GAAR TAHAY

DEGMIYO GOBOLBA SOOMAALI WAA GACAL WALAALA AH

MARKASE AY GABTAA  LOO GO’AA OO LAGA GARABAAYE

.  MA GADMADE MIDUU GALADAY GEYIGA  HOOYOO DHAN

OO SHACABKU GAAJO U QABEEN GAAR CADAALIYA

DIINTUNA U TAHAY GACANTA MIDIG OO GARSOORA AH

.  CALLANKII GAROOBKA U AHAA WIIL GAYAAN U AH

GURGURSHAA HAYNA  IYO WADANI  GOOBAYAA HELA

GADOODKIYO  MARKAASAY  GOBAAD GULUFKA DAYSAA

.  OO AY GARAARAHA GACMAHA GUDUB U SAYRTAAYE

GARGOORKIYO  IBAHA GIIJISAA GODOL DARAADIIS

OO GAAFTA GORAY GABDHANA GOCOYO QAATAN

.  OO GALBIS IYO HABEEN GUUL AROOS GAAF LA FIDIYAA

OO GOGOL GOBAAD IYO GABYAA LOO DHIGAA GOLE.

ISAGUNA XUUSUUS UGU GODLAA XIISA LOO  GALAY

.  HADAAD MAANTA GARATEEN INAAD GARAB MARTEEN WAAJIB

QABIILNA WAA GUNNIMO EE QARNIMAA LAGU GOBOOBAA

OO MEESHA GODAN AAD KURTIIN WADA GUFEYNAYSO

KALA GUURKU WAA GUUL MIDNIMO OO GABAABSIDAY

.  NIMCADA EEBAHAY KUGU GALADAY OO AD GURAN WEYDAY

IDO GOROD MADOOW GARACAS IYO WAXARO GIIR GIIRAN

LO’DA GAAXSAN OO GAAGAXAYN LABADA GOOROODBA

GOOL IYO SINGIYO  GEELA DHALAY GAANE  IYO GAANBA

.  GAMMAAN IYO FARDIYO GOODIR IYO GEEYO DANANAYSA

GOMASHAGA IYO GOCOSADIYO GOOSAYGIYO GOONKA

GALXAREED GEED MIRA LEH  IYO BEER MA GUURTA AH

.  WEBIYADA GAANAANIYO ILAA GOL IYO HIIRAAN AH

IYO MAARTA KALA GOONIDA  AH OO LA GOYN KARIN

WAXA GUUDKA CEEGAAGA IYO BADAHA GAWRIIRA

GARKII AAD DAYDABA WAXA GABRANE  JIIFA GURADIISA

.  HADAAD MAANTA GARATEEN IN AAD GARAB MARTEEN WAJIB

OO GOROFTA CAYREED GEF TAHAY OO KUU GARDAADSANI

OO AAN GURBOODKAAGA NACAB GURANIN JIIRKOODA

.  ADNA ADAN GORGORO IYO WAQAA GANAC  U TAAGANAAN

GASHIGIYO XUMAANTAAD GASHEEN AAD GUDUBTEEN

MARXBIYO GUDOON XEER GUNDHIGA GEYIGA HOOYO DHAN

GOLE BAARLAMAAN  OO SHARCIGA  AAN BAR GOGANAYNIN

.  GILMI IYO ABEESIYO GUGUME OO KU XIRAN GEED DHEH

GURMADNA UU  KU BAXAY GAAS WATIYO GEESI CIIDA LEH

DEMBIGAY GALEEN IYO DULMIGII OO U SOO GO’A

KALA GUURKU WAA GUULMIDNIMO OO GABAABSIDAYE

.  INAN GABAR DAMBIYO WIIL GUDBOON XEERKU KALA GEYNIN

MIDWELIBA WUXUU GUDO INAY TAGAN TAHAY GOOSO

OO WAXA HAWEENKU GAYAAN AAN  GOODI LAGU QAADAN

OOA AD MIDNIMO  GUDO U TAHAY GAARDIGIYO GOOHA

.  IYO CADOWGA GAADAHAYA OO MAALIN GUURKA AH

IYAGOON IS GARANEYNIN OO KALA GIDADAYNIN

OO MIDABKU KALA GOONIYAHAY DANNI GAYEYSIISAY

.  GUMAYSIGII U OO GOOGOOSAN JIRAY XAYNBA GOONIDA

GAASHAANDHIGIYO GOOL HAYAHA GEYR U DIRIRKAA

WAXAY NOOGU GAYLAMAHAYAAN WAA SADKAA GALAY

.  GUURTIDA LA XULAY IYO GUDIGA GALAYA TAARIIKHDA

HADAAD MAANTA GARATEEN INAAD GARAB MARTEEN WAAJIB

QABIILNA WAA GUNNIMO EE QARNIMAA LAGU GOBOOBAA

MAR XABA IYO GUDOON XEER GUNDHIGA GEYIGA HOOYOO DHAN

KALA  GUURKU WAA GUUL MIDNIMO OO GABAABSIDAY.

———
A. Y. JAMA Abdullahi Isim
abduldjamal@yahoo.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " KALA GUUR: Waa gabay cusub oo xambaarsan hambalyo iyo guubaabo ku socota Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka iyo xildhibaanada dhawaan la doortay (Dhageyso gabayga) "

  1. caalamiin says:

    Asc walal abdulaahi waa akhriyaa gabayadada waad na kumahad santahay dadaalkaaga lkn wax baa kaayara halaysan gabaygagu madheelitirno waxaa ila quman inta aadan gabyin waxaa aad loo soo akhriyaa gabayada ay tiriyeen abwaanada caanka sida sayidka ismaaciiln mire cali Dhuux iwm waxaad kabaran sida loosameeyo gabay dheeli tiran xig madaysan.
    Oo dhadhan Leh soona jiita dadka akhristo mahad sanid