Iyadoo laga ambaqaadayo isbadalka xilliga kala guurka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir maanta ay yeesheen Agaasime waaxeedyda iyo howl-wadeenada kala duwan ee Wasaaradda oo uu shir-gudoominayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdidaahir Cabdraxmaan Cabdi ayaa waxaa looga hadlay hanaanka shaqo ee cusub oo ay wasaaraddu wajaheyso iyo qorshe howleedka ku aadan siyaasadda dibadda, ayaa waxaa ay wasaaraddu shaacineysaa inay xoojin doonto, sarana u qaadi doonto waxqabadkeea, iyadoo dib u eegid ku sameyn doonta safiirada, shaqaalaha safaaradaha furan iyo kuwii ku xirmay dagaaladii sokeeye. Akhri warka oo dhan
————
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Email: info@mofa.gov.so
Mogadishu-Somalia.







Wasaarada wey ceebeysantahay oo sidii Dabakaayo ayaa mel waliba qof lagu qotrey, waa arin aan laga fiirsan laguna ceebeysanyahay, bal marka hore tabakaayooyinka xira. oo Safaarado qiima leh oo macquul ah ha la sameeyo inta dal oo suurta gal muhim na ha, Dawladaha waween ma qabaan inta safiir ey soomaalida qabto, Ingiriiska yuru oo dhan waxaa safiire u fadhiyaa Jarmalka, waxaan idin ku la talinaayaa xatta safiirada waa iney noqdaan dad u qalma oo khibrad iyo aqoon leh., ilbaabadana loo soo xiro waxa haatan jira oo dhan. Wa billahgii towfiiq
In yar u kaadiya inta Madaxweyne iyo
R. Wasaare cusub imaanayaan.
Waxaa lagu qasbanyahay in isbada
weyn la sameeyo.
Inta dhaqaalaha laga soo kabanayo
waxaa la sameyn NON RESIDENT
AMBASSADORS, waxaa aad loo xoojin
waaxyaha Wasaaradda Arr. Dibadda..
Somaalida oo dhan waxay rabaan in loo
magacaabo Safiir, dhaqaalihii asagaa soo
shaq-shaqanaya siduu rabo ha ku keenee.