Home » News »

Warqad furan oo ku socota culumada Soomaaliyeed oo ka timid Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi

BismiLLahi AlRaxmaani AlRaxiim

Asalaamu calaykum wa raxmatuLLahi wa barakaatuhu.

Salaan ka dib;

Ummadaha muslimka ah culimmada diintu waxay ka cayaartaa doorka ugu weyn markay noqoto barbaarinta iyo wacyigelinta bulshada, halka ay dalalka aan muslimka ahayn ay doorkaas siiyeen culimmada iyo khuburada culuumta maaddiga ah ee kala duwan.  Marka ay dalalkaas aan muslimka ahayni arkaan khatar kusoo fool leh dadkooda waxay sameeyaan xayeysiis iyo wargelin ay dadkooda kaga digayaan khatartaas iyagoo mar kasta adeegsanaya khubarada arrintaas aqoonta gaarka ah u leh.  Dalalka muslimiinta ah culimmada islaamku iyagaa doorkaa isu diri jiray oo markay arkaan dhibaato ku fideysa bulshada oo khatar ah waxay u weerari jireen si toos ah.  Waxay kusoo qaadi jireen khudbadaha jimcaha,  muxaadarooyin bay abaabuli jireen, casharrada ay bixiyaanna wey ku lifaaqi jireen xitaa haddaysan arrintu toos ula xiriirin casharka markaa ay bixinayaan.  Wanaagoo la’is faro iyo xumaantoo la’iska reebo waa shaqada ugu weyn ee culimmada.  In kastoo qof kasta laga rabo inuu arrintaa ka qayb qaato haddana culimmada waajib gooni ah ayaa saaran, waayo iyaga dadku waa u dhego nugul yahay.

Waxaan warqaddan idiinku soo qoray si aan idiinku baraarujiyo arrin fool xun oo dalkeenna caado ka noqotay adinkuna aad ka seexateen.  Ma garanayo, haba yaraatee dhibaato arrintan ka weyn oo bulsho ku habsata, isla markaana adduunkeeda iyo aakhiradeeda isku mid u halaagta.  Dagaalkii sokeeye ee dalkeenna ka bilowday 1991-kii welina socda arrintan keligeed ayaa sabab u ah.  Marka laga soo kaco malaayiintii dagaaladaas ku dhintay ama ku dhaawacmay, inta kale oo weli qaxooti ku ah afarta gees ee adduunka, inta baduhu liqeen ama oonka ugu bakhtiday lamadegaannada adduunka, arrintani waa tan sababta tooska ah u ah inaan weli xal loo helin dhibaatadeenna.

Haddaba, waa maxay arrintan aad dhayalsateen dadkuna caadeystey iyadoo dhibaatadeedu intaa la’eg tahay? Jawaabtu waa MUSUQMAASUQA.

Musuqmaasuqa qaran hareeyaa wuxuu u qeybsamaa saddex qaybood oo waaweyn

1)  Boobka tooska ah ee hantida qaranka ee la wadaago

2)  Laaluush

3)  Eex

BOOBKA:  Dadka loo magacaabo jego weyn loona igmaday inay fuliyaan hawl qaranku leeyahay waxaa lagu aaminaa hantidii lagu fulin lahaa hawshaas.  Hantidaasi waxay noqotaa lacag ama qalab IWM.  Haddii qofka masuulka ahi jeebka gashado wixii lagu aaminay, waxaa hubaal ah inaan waxba qabsoomayn. Natiijadu waxay noqonaysaa in uu baaba’o qaranku, dadkuna isnecbaado, baahiduna baahdo ka dibna jidadka la isku laayo.

Hantida qaranka waxaa wax ku leh qof kasta oo dalka u dhashay, ha ahaado agoon, mid jirran, mid sabool ah.  Qofkan masuulka ah ee boobay hantida qaranka wuxuu sababay inuu burburiyo dal dhan, xagga aakhirona waxaa farqa qabsan doona dhammaan dadka dalkaas deggan, sida diintu caddaysayna xoolo la boobo waxaa ugu daran kuwa agoonta.

Haddaba immisa agoon ayaa qofkani xoolahoodii boobay? Iyadoo xaalku sidaas yahay, haddana arrintani soomaalida caado ayey u noqotay.  Caado waxaan ka wadaa marka qofka arrinta sameeya aan lagu ceebayn, isaguna la dhuuman ee kuba faano. Dadka soomaalidu waa dad muslim ah, haddana boobkan uma qabaan inuu diin ahaan xun yahay.  Hadday ogyihiin inuu diin ahaan xun yahay Allana ka caroonayo, caado kama ay dhigteen, kan sameeyana waa lagu ceebayn lahaa, isaguna kuma faaneene wuu la dhuuman lahaa. Burcadda jidadka gala ee dhaca dadka kuwaan ayaa ka daran kun jeer, waayo burcaddu waxay dhacdaa dad tirsan waxa ay dhacaanna saas uma badna, kuwanise waxay boobaan malaayiin agoon iyo masaakiin ah hantidood, qaran dhanna way dumiyaan.  Sidaan anigu qabo culimmada diintu dadka ugama reebin hooggan sidii la rabay.  Anigu weli ma maqal nin shiikh ah oo arrintan ka  hadlaya, weligeyna culimmaan ag fadhiyey.

Dalalka aan muslimka ahayn haddii qof jego haya lagu helo inuu lunsaday hanta qaran ciqaab xun ayuu mutaa.  Dalka Shiinaha waa toogasho, dalalka reer galbeedkana xabbis dheer iyo fadeexo uusan kasoo waaqsan buu la kulmaa. Soomaaliya way ku faanaan, laguna faaniyaa.  Sidee dad muslim ah waxaasi caado ugu noqon karaan?Muddo aan fogeyn madax badan oo dalkeenna ah ayaa lagu eedeeyey inay boobeen malayiin dollar, weliba iyadoo kumanaan soomaali ahi hoostooda gaajo ugu bakhtiyayaan, haddana maanta dhammaantood waxay u sharraxan yihiin xilka Madaxweyne!!!!!  Culimmadu eray kama oran, laakiin aad bay u qayliyeen markii Dastuurka lagu qoray in haweenku jego qaban karaan!!!

LAALUUSHKA:  Waa in qof laga cuno lacag si loogu fuliyo wax uusan xaq u lahayn,ama lacag looga qaato si loogu fuliyo wax uu xaq u leeyahay.Wejiyaal badan oo aan lasoo koobi Karin ayey leedahay, natiijaduse waa isku mid.  Bulshada laaluushku caadiga ka noqdaa uma aragto in qaranka lawada leeyahay, xafiisyada qarankana waxaa iska leh qofka fadhiya.  Burburka uu qaranka u keeno wuxuu lamid yahay midka boobku keeno,waxaana faafa anshax xumada.  Waxbarashadu qiimo ma yeelato meel kastana waxaa fariista jaahil.Wax kastaa waqti dheer ayey qaataan taasoo bulshadoo dhan ragaadisa.  Qof kastoo xaq leh wuu waayaa xaqiisa, kii wax ka hela qarankana waa wax uusan xaq u lahayn.

Sidaan maqlay axaadiis badan ayaa Nebigu (Caleyhi salaatu wa salaam) ku lacnaday qofka laaluushka bixiya iyo kan qaata.  Sow macnaheedu maaha dadka caadeysta laaluushka ayagoo dhan baa habaaran?  Sidee culimmadu u aqbaleen in arrin gaaladu ka xishooto,dhibaatadeeduna dhulgariirka ka daran tahay ay caado u noqoto bulsho muslim ah?

EEXDA:  Waa in qof qaraabannimo, saaxiibnimo ama qabiil lagu siiyo waxaanu xaq u lahayn.  Waxay noqon kartaa jego loo magacaabo, garab lagu siiyo gardarro ama loo fududeeyo adeeg uu dadka ula siman yahay.

Dad badan oo soomaali ah ayaa qaba in dagaalka sokeeye qabyaaladdu sababtay, laakiin qabyaaladdu waxay keentaa oo qura eexda oo ka mid ah qaybaha musuqmaasuqa.Isnecaybka dadka,kibirka iyo isla weynida iyo gardarradu waa waxyaabaha sida tooska looga dhaxlo eexda.

Dadka eexdu ku dhex faafto ee aan ka yaqyaqsan kama rajo qabaan caddaalad haba yaraatee.Bal eeg saameynta laaluushka iyo eexdu ku leeyihiin waxbarashada.  Qofka garabka haystaa wax ma barto waayo wuxuu jego kasta ku helin aqoon la’aan.  Kan aan garabka haysanna wax ma barto waayo waqtigiisa iyo xoolihiisa isaga lumin mayo aqoon aan wax u tarayn, bulshadoo dhamina waxay noqon dad indho la’ oo uu hagayo mid indho la’.

Qoraalkan yar kuma soo koobi karo dhibaatooyinka musuqmaasuqa, laakiin waa in qof kastaa ogaadaa in aan soomaalidu weligeed ka baxayn jahawareerkan, qaranna dib u helayn haddii aan xal loo helin caadeysiga fisqigan musuqmaasuqa.

Haddii aan culimmada diintu hurdada ka kicin oo aysan hooggan iyo ba’aan dadka ka reebin, dembiga kuwa ugu horreya bay noqon.  Qofna ma oran karo dadku waa og yahay in waxani xaaraan yihiin.

Haddii dadku ogyahay in musuqmaasuqu ka daran yahay zinada, boobka xoolaha agoonta iyo dilka oo la isku daray, dadku sidaan uguma dhiirradeen. Culimmadu ma siin mudnaanta musuqmaasuqu diinta ku leeyahay, waana tan sababtay inaan cidna la xishoon.

Haddii qof lagu maqlo inuu khamrada cabbo lalama hadlo waxaana loo qabaa inuu kacbada dumiyey, kan booba hantida qarankana nin rag ah ayaa loo yaqaan!!  Khamriya cabkana kumaankun oo jeer buu ka dembi badan yahay.

Waxaan warqaddan kusoo gebagebaynayaa in culimmadu arrintaan weerar qorshaysan ku qaaddo si looga badbaadiyo dadka soomaaliyeed ee muslimka ah hoog adduun iyo mid aakhiroba. Weynnu aragnay dhibkuu musuqmaasuqu geystey 21-kii sano ee dalkeennu la walbahaarayey mirihii aan ka gurannay geedkaas xun, welina aynnaan garan inaan waddada nafteedii ku taagannahay.  Anigu garan mayo cid culimmada uga habboon la dagaallanka cadowgaan maadaama culimmada loo dhego nugul yahay.

Dalka adduunka ugu musuqmaasuqa yari waa dalka la yiraahdo Singapore oo gebigiisuba ka kooban jasiirad yar, laakiin ka mid ah dalalka adduunka ugu nolosha wanaagsan uguna hantida badan.   Kheyraad badan oo dabiici ah dalkaasi ma leh, laakiin musuqmaasuq la’aanta ayaa u noqotay hanti, qof kastana meeshiisa ayuu ka dhergay…….. adiguba malee Soomaaliya oo aan musuq ka jirin sida ay noqon laheyd!.

Culimmadu ha’iga raalli ahaato haddaan canaantooda ku talax tegay.

WA BILLAAHI TAWFIIQ.

WAAD SALAAMAN TIHIIN.
———–
Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Warqad furan oo ku socota culumada Soomaaliyeed oo ka timid Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi "

  1. mr mmm says:

    asc wr wb walaal aad baad u mahadsantahy , waa qormo caqli iyo fiirsasho ku dhisan, waana kugu raacsanahay fikradaada ah inaann dhibaato kawayn jirin soomaaliya.
    mase lasocotaa anshax xumadaasi meesha ay somaalidu kadhaxashay. dalkii soomaalida koonfureed gumaysan jiray ee talyaaniga iskuul laga dhigtay buu ahaa, umana cuntanto ummad muslim ah, walaalo, ah, isku luqad ah, iskumidab ah, isku madhab ah inay kudaqanto. arintaasi sida aad tiri culimadu haka hadleen, hana la badiyo qormooyinkeeda.waxaan ku talin lahaa in allgedo baaqan si gaar ah ugu dirto culimada waawayn ee soomaalida, ama adiga qoraaga ahba aad ula xirirto si tooos ah.
    waad mahadsantahy

  2. Jaamac says:

    Olalaha doorashada madaxweynaha xaq uma dhacayso Abdiraxmaanow,