Home » Archive Daily September 2nd, 2012

Jaaliyada Beesha Sade ee Dalka Yemen oo Soo Dhoweysay Doorasahda Hogaanka Cusub ee Baarlamaanka

Sep 2, 2012
Sanca, Yemen (AOL) – Shir ay isugu Yimaadeen Waxgaradka, Culumada, Aqoonyahanka iyo Haweenka Jaaliyada Beesha Sade ee dalka Yemen ayaa lagu soo gababeeyay Shalay oo ay taariikhdu aheyd September 1, 2012 magaalada Sanca ee  Wadanka Yemen. Shirkaas oo lagu lafa Guray Xaalada Guud ee uu Dalka Soomaaliya Marayo, iyo Horumarada Siyaasadeed ee Socda ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha... 

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Cusub Oo Wada Qorshe Ay Ku Doonayaan In Shuruud Looga Dhigo Musharixiinta U Tartamaya Xilka Madaxweeynenimo Inay Soo Raaciyaan Arjiyadooda Warqadaha Caafimaadkooda (Medical Report)

Sep 2, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in musharixiinta u tartamaysa xilka Madaxweeynenimo ay araajidooda soo raaciyaan warqadaha Caafimaadkooda (Medical Report) qorshahan oo ay doonayaan inay u gudbiyaan Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya... 

Xaflad lagu Gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga oo lagu qabtay Muqdishu (Sawiro)

Sep 2, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) - Xaflad heer sare oo ay soo agaasimeen Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinaca Olambikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay. Xafladda gunaanadka Tartankan ayaa ugu... 

Dhac iyo jir dil loo geystay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka South Sudan

Sep 2, 2012
Wararka naga soo gaarayo dalka South Sudan, gaar ahaan gobolka deegaanka la yiraahdo Western Equatoria State (Mundri County) ayaa waxaa maalintii shalay aheyd ka dhacday dhacdo fool xun, taasoo ah in si xun loo boobay hantidii ay dadka Soomaaliyeed ku lahaayeen halkaas, isla markaana ganacsatadii Soomaaliyeed ee hantidaas lahaa la’isugu daray dhac iyo ayada oo la jir dilay. Wararka ayaa waxay... 

Waxaan ku wargelineynaa akhriste-yaasha Allgedo in aan xalinay cilad ku timid bogagga Cod-bixinta iyo tan Fariimaha lagu reebo.

Sep 2, 2012
Akhriste-yaasha yada waxaan marka hore kaga cudur-daaraneynaa in cilad dhank farsamada ah oo nagu timid awgeed saacadihii lasoo dhaafay aanay si habsami leh u shaqeyneynin bogagga Cod-bixinta iyo tan Farrimaha la’isugu gudbiyo (Ballot Box and Comment pages). Haddaba, nasiib wanaag, waxaan xalinay ciladahaas, iminkana labadaba si habsami leh ayay u shaqeynayaan. Waxaan akhriste-yaasha-yada ka...