Home » News »

Jaaliyada Beesha Sade ee Dalka Yemen oo Soo Dhoweysay Doorasahda Hogaanka Cusub ee Baarlamaanka

Sanca, Yemen (AOL) – Shir ay isugu Yimaadeen Waxgaradka, Culumada, Aqoonyahanka iyo Haweenka Jaaliyada Beesha Sade ee dalka Yemen ayaa lagu soo gababeeyay Shalay oo ay taariikhdu aheyd September 1, 2012 magaalada Sanca ee  Wadanka Yemen.

Shirkaas oo lagu lafa Guray Xaalada Guud ee uu Dalka Soomaaliya Marayo, iyo Horumarada Siyaasadeed ee Socda ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha Jaalliyada Beesha Sade ee Wadanka Yemen, Dr.  Sheekh Maxammed Macalin Xassan (Tukashe weyne).

Gudoomiyuhu waxaa uu ku dheeraaday Xaalada Guud ee Dalka Soomaaliya uu Marayo iyo Horumarada Siyaasadeed ee Socda, wuxuuna yiri isagoo ku hadlaya magaca Jaalliyada Beesha Sade ee Wadankla Yemen “Jaalliyadu waxay soo dhoweynaysaa Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari”.

Gudoomiyuhu wuxuu intas ku daray “Dr. Jawaari waa shaqsi la dhihi karo waa kii ugu horeeyay oo leh Cilmiga iyo Waayo aragnimo ku Filan oo loo Doorto Gudoon Baarlamaan ee Soomaaliya, intii ka danbeysay Burburkii Dowladii dhexe ee sanadki 1991 waxayna Ummada Soomaaliyeed u tahay Farxad maadama ay Doorashadiisu Macnaheeda tahay in Baarlamanku uu markaan Diyaar u yahay inuu Xambaaro Mas’uuliyada adag ee Hortaala, Qaas ahaan inay Doortaan Madaxweyne Awood iyo Khibrad u leh Hogaaminta Soomaaliya Marxaladaan Adag.”

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay ku xigeenka Gudoomiyaha Ustaad Farxaan Xaashi Koodax oo Halkaas ka sheegay in Buug Cusub oo Xaalada Guud ee Soomaaliya si Hoose uga Hadlaya uu Qoraalkiisii Dhameystiray hadana uu Doonayo inuu Daabaco.  “Marxaladu waa Adag tahay, Niyad wanaag been ah looma baahna, waxaa loo baahan yahay Rag Hal-Adeyg leh oo Halyeeyo ah oo Naftood Hurayaal ah” ayuu hadalkiisa kusoo Gabagabeeyay Mudane Koodax.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay Dr. Daahir Cabdulaahi Muumin oo isagu sheegay inay Diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan cid walba oo maanta ay doortaan Soomaalidu.

Ugu Danebyntii, Jaalliyada Beesha Sade ee Wadanka Yemen waxay u diraysaa Hambalyo Hogaanka Cusub ee Baarlamaanka Dr. Mohamed Cusmaan Jawaari iyo Dhamaan Xubnaha Cusub ee Baarlamanka Jamhuuriyada Soomaliya, waxayna Ilaahay uga rajaynayaan in uu u fududeeyo Mas’uuliyaadaas adag ee ay qaadeen.

———–

Sadat M Geesh, Sanca/Yemen.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Jaaliyada Beesha Sade ee Dalka Yemen oo Soo Dhoweysay Doorasahda Hogaanka Cusub ee Baarlamaanka "

  1. xaghayaha guud ee ururka dhalinyarada beesha sade mr. maxamed c/raxmaan yaxye iimaan oo si weyn u soo dhaweeyay doorashada la doortay gudoomiyha barlamaanka cusub waa guul weyn u soo hoyatay dhamaan umada soomaaliyeed sidoo kale gudoomiyaha brof;maxamed sheq cismaan,jawaari waxaan alle ugu baryeenaa in uu ufududeyo xilkiisa hadii aan nahay ururka dhaliyarada waan la shaqeen doonaa waxana u muujineeynaa taageera buuxda dal iyo dibada soomaaliya hanoolaato eeboow midnima guud ayaan kaa baryeenaa aamiin