Cudur-daarasho: Marka hore waxaan mar labaad ka cudur daaraneynaa santuuqa codbixinta oo aan AOL ku dhajinay galinkii danbe ee September 1 in aanay sidii la rabay u dhicin cilad farsamo oo naga hortimid awgeed.
NATIIJADA CODBIXINTA AOL OO HORUDHAC AH:
Codbixinta waxay si rasmi ah u bilaabatay shalay oo ay taariikhdu aheyd September 2, waxayna socon doontaa 3 maalmood oo kaliya halka aan horay u shaacinay in ay socon doonto 9 maalmood.
- Ilaa iyo hadda waxaa codbixinta AOL ku horeeya mudane Mohamed Abdulahi Farmaajo oo ay u codeeyeen 158 qof, waxuuna haystaa 70% tirada guud ee codbixiye-yaasha.
- Waxaa ku xiga mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay u codeeyeen 24 qof, waxuuna haystaa 11% tirada guud ee codbixiye-yaasha.
- Mudane-yaasha Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Prof. Axmed Ismaciil Samatar ayaa waxaa u codeeyay tira isla’eg oo ah 12 qof kiiba, waxuuna mid walba haystaa 5% tirada guud ee codbixiye-yaasha.
- Mudane Maslax Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa u codeeyay 9 qof, waxuuna haystaa 4% tirada guud ee codbixiye-yaasha.
- Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Baadiyow) waxaa u codeeyay 6 qof, waxuuna haystaa 3% tirada guud ee codbixiye-yaasha.
- Mudane Cabdulahi Axmed Cadow waxaa u codeeyay 4 qof, waxuuna haystaa 2% tirada guud ee codbixiye-yaasha.
Fadlan isha ku hay, kalana soco hadba natiijada codbixinta 7-da musharax oo daqiiqad-daqiiqad isu badaleysa.
Codbixinta oo bilaabatay September 2, kuna eg September 4 ayaa waxay xirmeysaa subaxnimada Arbacada, saacaddu marka ay tahay 12:00 am EST oo ah waqtiga Waqooyiga Ameerika.
Haddii uu Rabbi idmo, isla maalinimada Arbacada ayaa waxay natiijada codbixinta kusoo bixi doontaa oo aad kala socon doontaa shabakadaha kala ah: Gedoweb, Saadaal, Allgalgaduud & Allgedo.
—————–
Natiijadaan horudhaca ah waxaa idiin soo gudbiyay xafiiska codbixinta shabakadda AOL.


waan indin slaalamayaa salan kadib walaal waxaan ku noolahay USA Qaas ahaan Georgia/Atlanta, waxaan codkeyga siinayaa mr Mohamed Abdullahi farmajo.
Waxaay ila tahay, guushan uu farmaajo gaaray ee aad siiseen waxaay sidaa noqoneeysaa oo kali ah, haddii waxa codeeynaya aay tahay Beesha Sade kkkkk laakiin, xaalku sidaa ma aha ee nin jecleeysiga joojiya.
aniga kunool dalka Norwey waxaan codkeeyga ku biirinaya wadaniga somaliyeed ee
musharaxa ah waa Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.
asalaamu calaykum waxaan jooda magalada bosso waxaan u codaynayaa mudane maxamed c/laahi maxamed farmaaaaaaaaaaaaaaaaaaaajo oo ah aabah
a umada
anigo joga nrb waxan o codeynaya mudani farmajo