Home » News »

Kulan lagu taageereeyey Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahin (Daqare) oo ka dhacay Magaalada Luuq (dhageyso)

Kulan lagu qabtay Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo oo ay isugu yimaadeen in ka badan ilaa Labo Boqol oo qof oo isugu jira Nabadoono, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo waxgaradka Beesha SADE ee degmadaasi iyo weliba Qaar ka mid ah Odoyaasha Beelaha kale ee Soomaaliyeed Ayaa lagu taageeray Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahin (Axmed Daqare) oo ka mid ah Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.


Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahin (Axmed Daqare), Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha, isla markaana ah xubin ka tirsan Guddiga Dhaqaalaha. 

  Halkaan ka dhageyso sida Xildhibaanka looga soo dhaweeyay Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Kulankani oo ahaa Martiqaad Qado sharaf ah oo ay soo abaabuleen Odoyaal iyo qaar ka mid ah waxgaradka ku sugan gudaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa ujeedadiisu waxay ahayd sidii taageero loogu muujin lahaa Xildhibaan Axmed Daqare iyo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee dhowaan la doortey iyo weliba howlaha loogu gogol xaarayo doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Nabaddoon Hire Maxamuud Xasan oo ugu horeyntii ka hadlay kulanka ayaa sheeegay in kulankani ujeedadiisu ay tahay sidii kalsooni loogu muujin lahaa Xildhibaan Axmed Daqare oo uu ku tilmaamay in uu kalsooni badan ka kasbadey Beesha uu ka soo jeedo, isagoo tilmaamayna kulamo midkani la mid ah oo lagu taageerayey Xildhibaanka in ay ka kala dhaceen degmooyinka Baladxaawo, Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Kulankan lagu taageerayey Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ay ka hadleen Odayaal Dhowr ah sida Nabadoon Cadow Bare Cabdule, C/qaadir Maxamed Salaad (Walba shaati), Cali Axmed Xasan (Cali Amxaar) iyo sidoo kale Nabadoon Waarow Xudurow Maxamed oo ku hadlayey Magaca Nabadoonada Beelaha kale ee Soomaalida, xubnahaasi ayaa dhamaantooda codkooda si buuxda ugu biriyay taageerada xildhibaan Axmed Daqare.

Sidoo kale, Xaliimo Nuur Cilmi oo ku hadlaysay Magaca Haweenka ku dhaqanka degmada Luuq ayaa sheegtay in ay si weyn u taageereen haweenka ku dhaqan degmada Luuq mas’uuliytada culus ee loo doortey Xildhibaan Axmed Daqare, waxayna Ilaah ay uga baridey in uu la garab galo Xilkaasi culus.

Si kastaba ha ahaatee, kulankani oo ahaa ku ugu balaarnaa ee mudooyinkan ka dhaca gudaha degmada luuq ayaa ugu dambeentii waxaa uu ku soo gabo gaboobay jawi degan oo is fahan iyo taageeroba leh.

———–
A. Ibrahin, Luuq/Gedo.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " Kulan lagu taageereeyey Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahin (Daqare) oo ka dhacay Magaalada Luuq (dhageyso) "

  1. Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim waa mutacallim karti badan oo gobolka Gedo uu aad ugu hanweyn yahay. Waa xirfadda haatanba daaddihinaysa Guddiga Doorsashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waa baa baryey bilicsan arooryo baxsan maalin bokhran!!!

  2. Sharmake says:

    Xildhibanka axmad daqare wa nin karti badan e waxan u rajeynaya guul asaga iyo xildhibanada kale e besha sade waxana filaya 14 kan xildhiban iney yihin kuwi besha sade kadhax saari lahaa khilafadka iyo isqabqabsiga waxanan leyahay allaha idinfududeya shaqadina waxana idin rajeynaya guul

  3. asc xildhibaan axmed daqare waa nin karti u leh xilka loodooray ee uu u haayo besha seda waa nin dhalin yaraha ah fahmikaraa wacyiga jiraa lana jaan qaadi karaa xaalka uu hada wadanka ku sugan yahay inta aan ka aqaana waa nin furfuran kaftan badan jacel dadkiisa iyo dalkiisa qofkastaa tixgiliyaa aanan aqoon iska weeyneysiin taajir iyo badar noole reertabareed iyo shiidba waay taageersan yahiiin waxaan ku taagereynaa hadii aaynu nahay URUKA DHALINYARADA JAALIYADA BEESHA SEDA EE DALKA KENYA in uu si wanaagsan ugu soo bixi doonaa xilkiisa insha allaah waxaan sidoo kale hanbalyo u direeynaa xildhibaanada kale ee beesha SEDA oo ka kooban 14 ka

  4. waxaan marka hore salaamayaa dhamaan xildhimaanada beesha sade oo ay ka muuqato aqoon iyo karti,hadii an u soo laabto saaxiibkay ahmed daqare waan nin aan aad u aqaan ilaa iskuulkii aan soo dhiganay waa nin dabeecad wanaagsan oo waligay ma arag asagoo xanaaqsan waa nin aad u furfuran mida kale waa nin dadka jecel aadna u qadariya dadka waaween qaasatan dhaqanka iyo cuqaasha soomaaliyeed waxaan lee yahay ahmed ilaahay ha ufududeeyo xilka loo dhiibay anagana ilaahay ha nooga dhigo mid na anfaca amiin

  5. anigoo ku hadlaya magaca beesha sade gaar ahaan beesha xasan gaalshireedle waxaan halkaan tahniyad uga dirayaa xildhibaan ahmed cismaan ibraahim daqare iyo xildhibaan aadan waqmaashe waxaan leeyahay waara oo xilkii soomaali iyo beesha reer hasan idiin idmatay ilaah ha idinku guuleeyo

  6. Cali Sheekh says:

    ASC.Waa salamayaa dhaman umada Somaaliyeed.wa tageraya wana so dhaweynaya xildhibanka cusub Axmed Daqare wana nin uqalma xilkaas Alle ha kadhigo mid waxtaro Somali o dhan iyo gobolka