Home » News »

Kulan Taleefaneed ay beesha Howraarsame Amaareer yeelatay oo looga hadlay arrimo xasaasi ah

Kulan aad u balaaran oo uu ka soo qeyb galay Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar iyo Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo wax-garad ka soo jeeda Qurba joogta Beesha Howraarsame Amaareer ayaa maanta oo ay ku beegan tahay September 2, 2012 lagu qabtay waxa loo yaqaano Tel-Conferenc.Mudadii uu kulankaasi socday ayaaa waxaa lagu soo bandhigay Warbixino iyo talooyin ay isdhaafsadeen dhinacyadii kasoo qeyb galay kulankaasi, waxaana warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysa laga dhegeystay Xildhibaan Muuse isagoo ka warxixiyey marxaladda uu marayo Wadanku wuxuuna Xildhibaanku ka codsadey Qurba joogta Beesha Howraarsame iney ka qeyb qaataan howlaha dib loogu soo celinayo Qarankii Soomaliyeed, wuxuuna gabo gabadii Xildhibaanku usoo jeediyey wax-garadkii kasoo qeyb galay kulankaasi in ay ka shaqeeyaan midnimada Beesha Sade iyo wadajirkeeda si isbadalkan socda looga faa’iideeyo dalka iyo dadkuba.

Dhinaca Qurba-joogta waxa ay markiiba u hanbalyeeyeen Xildhibaanada cusub ee Beesha Sade waxayna si gaar ah ugu hanbalyeeyeen Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar, waxayna soo dhaweeyeen Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Mr. Jawaari iyo labadiisa ku xigeen.

Gabo gabodii kulanka ayaa siyaasiyiintii iyo waxgardkii ka soo qeyb galay kulankaas waxaay la dardaarmeen Xildhibaan Muuse waxaa ayna u sheegeen in isaga iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka ay yihiin Hay’adda ka wakiilka ah Shacabka Soomaliyeed loogana fadhiyo labo arimood oo muhim ah kuna xiran masiirka iyo mustaqbalka Wadankan labadasi arimood oo kala ah:-

1- In ay doortaan Madaxweyne u qalmo inuu hogaamiyo Wadanka kana saaro dhibaatadan dheeraatay.
2-Iyo in laga saaro Dastuurka dhamaan waxyaabaha ka hor imaanayo Diinta iyo Dhaqanka Soomaliyeed ama shaki gelinayo madaxbanaanida dhuleed ama badeed ee Soomaaliya.

Ka qeyb galayaashi kulanka waa:

1-  Xildhinaan Muuse Sheekh Cumar
2-  Col. Baalle Ibraahin Cabdi
3-  Nabdoon Cismaan Aadan Dabajoog
4-  Cumar Xasan (Gudoomiyaha Qurba joogta Beesha Howraarsame)
5-  Maxamed Adeec Mire
6-  Bishaar Muxumed Xasan
7-  Maxamed Xuseen (Miir)
8-  Aadan Xasan Yuusuf
9-  Maxamed Cali Kulan
10- Garaad Bakaal
11- Axmed Rooble
12- Cabdiwali Diiriye
13- Irshaad Muxumed Diiris
14- Baarliin Xuseen Ibrahim
15- Mowliid Sabriye iyo  dad kale oo badan
16- Wali deerow Cismaan

—————
Qoraalkaan waxaa AOL usoo gudbiyay Mohamed Ibrahim, iidka1@hotmail.com.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Kulan Taleefaneed ay beesha Howraarsame Amaareer yeelatay oo looga hadlay arrimo xasaasi ah "

  1. ahmed colad says:

    asc salaan kadib walahi aad aayan u qiirod marka aan arkaya dakaygii oo isku tashanaya wax aan halkaan ugu hanbalyeynaa dhaman beesha horaarsama amaaree oo aha beel aan ka soo jeed wax aan ku farx sanahaya in aan arka dada matalaya besha aan ka soo jeed oo fikrad iya aqoon waydaris is waydinaya marka hor waa in aan anaga is fahaan maxa noo noo dan masa maxan ka badali karnaa wadnkii aaan 22 sana ka maqnaya hada hadan aayan helnaya dadaa wax bartay in aan dhulka ka soo qaadna waalhena dhibataaysan qasan wax aan barujina xildhbaan muse in uu u istaaag besha sidii uu ugu heli laha wax barsha iya xaga dinta iaya madigab in uu ku barurujiya hadaan nahaya qurba jogta besha horsama wax nalaga rabaa in aaan is argana oon ka hadaln waa yoo hadaa firisid belaha kala waa aaya is ku tashadeen maxa noo didaya inoo didan aaian aana wada xariirna oon garb istagna walhaya fariin garha oo ku socota dhalan yarada besha horaarsam waa in aad is ku daydaan in aaada u sitaagtaa sidii aada kalin wayn ka qadtaan nabaada iya dhinac bulshada
    waax aan halkan ka salamaya dhamaan besha hooraasam wiil iaya gabara inta qurbaha ku nol iya inta dalka ku nool gacma wadjira aaya wax ku goyaan aan is argna
    waan ku farax sanahayaa rayigan aada soo bandhitaan sln dhamaan ka qaybgal yaasha talfoonka wali deero maam irshaad xildibaan musa wiilka haryataya mowlid sabri dhamaaan aan ka soo had laya dalka australia brisbba

  2. asc waxaan salaamayaa dhamaan ka qeb galayaash kulanka taleefoon gaar ahaan xildhibaan muuse sheeq cumar waan ku faraxsanahay wada socadka iska war qabka beesha maadaama uu marayo wadanka marxalad xasaasi ah waxaana idika codsanayaa inuunan noqon kulankaa kii ugu horeeyey uguna danbeeyey waa in la kala qaataa warbix bishiiba mar si loo ogaado wixii soo kkordho lagana tashto laguna soo dara qurba joogta yemen iyo koonfur afrika iyo odayaal dhaqameedka ku sugan gobalka mahad sanidiin