Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Muqdisho kaddib markii uu Adis Ababa kaga soo qeyb galay Aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi.
Waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbaahinta kula hadlay, Isagoona ka warbixiyay Safarkiisii Ethiopia.
“Marka ugu horeyso waxaan aad ugu faraxasanahay inaan ku soo laabto dalka, Waxaana sida aad la socotaan ka qeyb galney aaskii qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zanawi”.
Wuxuuna intaasi ku daray in wadanka Ethiopia ay tahay dowlad aan saaxiibnahay oo aan deris nahay oo aan aad u wada shaqeyno islamarkaana nagala shaqeeya xasilinta iyo xoreynta dalka Soomaaliya.
Ugu dameyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay muhiim u tahay geedi socodka nabadda ee Soomaaliya islamarkaana tilmaamay inta ay ku sugnaayeen Adis Ababa ay kulamo la qaateen mas’uul sare oo ka kala socota Caalamka kana wada hadleen arrimaha Soomaaliya iyo meesha ay mareyso gedi socodka nabadda.
————–
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.








Inaalillaahi wa inaa ileyhi raajucuun goormaa walaalo iyo saaxiibo noqonay gaal miliz zanaawi goormuu danteena ka shaqeeye waabe yaabe waxaan ku naqaan milez zanaawi laaynta dadka rayid muqdisho iyo afgoye baydhabo b/weyne iyo meelo badan inuu kumanaan walaalaheyna inuu ku laaye ayaa ku naqaan xasuuqa uu inoo geyste ma wanaag uu inoo qabtaa” gaasoow haduu walaalkaa ahaa gaal meliz zanawi inaga ma eheyn waane nin hadii aan soo xasuusto dadka uu ku laaye muqdisho ilin iga imaaneyso baqtigiisane wlh waan ku faraxsanahay illaahey jahanamo haku fogeeyo allow Aamiin adigane c/wali gaasoow inaad bakhtisid ayaan kuu rajeyn waayo gaal melaz zanaawi ayaad dhahday waa walaalkayaga
Maasha’allaah maxamed ilaahey haku barakeyo wlh qalbigena ayaad qaboojise gaal miles sanaawine ma ahan walaalkeena ee waa kii laaye dadkeena mana hilmaami doono amxaarada cadaawadooda illaahey naarta haku fogeeyo aamiin