Kaddib markii aan maalintii shalay AOL kusoo gudbinay qoraal ka hadlayay in ciidamada dalka South Sudan ay jir dil u geysteen hantidoodiina dhaceen ganacsato Soomaali ah ayaa waxaa maanta nasoo gaaray faah-faahin arrintaas sida ay u dhacday ku saabsan.
September 1, 2012 ayaa waxaa dhacday in ciidamada milatariga South Sudan oo muddo laba bilood ah ku sugnaa gobolka Western Equatorial State (Mundri County), kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda qabiilka Diingaha in ay gadoodeen, kuwaasoo xoog kula wareegay saldhigyadii Booliiska Mundri County, dabadeedna hub ka dhigis ku sameeyay.
Kaddib markii ay ciidamada gadoodsan gacanta ku dhigeen dhamaan goobihii muhiimka ahaa ee degmada ayay galeen magaalada, kaddibna waxay qaraaceen dad u badnaa Soomaalida Itobiya oo iyagu ka murugeysnaa geeridii ku timid Ra’isal wasaarahoodi hore ee Ato Meles Zenawi.
Sida ay wararku nagu soo gaarayaan, gadoodka cidamadaan milatariga ah ayaa waxay timid kaddib markii ay isku dhaceen qabiilka ay kasoo jeedaan ee Diingaha oo u badan xoolo dhaqato iyo qabiilka Mooro oo iyaguna ah beeraley u badan deegaanka ay ku taalo Mundri Country.
Kaddib markii ay labada qabiil isku dhaceen, ayuu maamulkii magaalada Mundri County amar ku bixiyay in la raro qabiilka Diingaha ee reer guuraaga ah, taasoo si weyn uga careysiisay ciidamada milatariga oo intooda badan kasoo jeeda qabiilka Diingaha, waana taa sababta ay ciidamada u gadoodeen oo ay falalkaas argagaxa leh u geysteen.
Ilaa iyo hadda ma jiraan cid ku dhimatay gadoodkaas uu ciidanku sameeyay, balse waxaa jira qasaare u badan dhaawac iyo hanti ay boobeen ciidanka gadooday oo loo geystay ajnabiga oo u badan Soomaalida Itoobiya.
————–
Cabdikarin Bulxan Ciise, South Sudan.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.