Waxaan marka hore hambalyo u dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed oo aan is oran karo maanta waxa ay heleen Gudoon Baarlamaan iyo Xildhibaano Cusub oo aan lamid ahayn Gudoonki hore iyo Xildhibaanadi Horeba, waxaana ka rajaynaynaan haduu Alle Idmo in ay dalkeena iyo dadkeenaba ugu adeegaan si hagrasho la’aan ah iyo Sharciga oo la dhoowro, dalkeenana ku soo dabaalaan Nabad iyo Horumar, waxaana Allaah Subxaanuhu Watacaalaa uga rajeenaynaa inuu u fududeeyo hoowlaha shaqo ee horyaal.
Hadaan usoo laabto ujeedkayga waxaan baaq u dirayaa dhamaan 14-ka Xildhibaan ee ay beesha Sade ku leeyihiin Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, anoo ku hadlaya magacayga iyo kan Qurbojoogta dhamaan Beesha Sade qaasatan Waxgaradka, Aqoonyahanda, Siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha kale ee Beelwaynta Sade, Mudaneyaal waxaan idinku boorinayaa anoo ku hadlaya codka dhamaan intaa aan horay u soo sheegay in aad si deg deg ah jawaab uga bixisanaa adinka oo aan nin idinka maqnayn hadalkii ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamada Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchirs ee ay doonayso Dowladda Kenya in ay ku xalaaleeysto daadinta dhiig badan iyo gumaad ba’an oo ay doonayso inay ka gaysato deegaanada Beesha Sade.
Hadalka kasoo yeeray Major Emmanuel Chirchirs waa arin siyaasadeesan lana garan karo halka uu kasoo xigtay iyo cida uu doonayo in uu ugu gogol xaaro, haddaba Mudenayaal adinka ayaa ah Xildhibaanada Beesha Sade waxqabadkiina waa in aanu aragnaa in uu waxbdan ka duwan yahay Xildhibaanadi idinka horeeyay, hadii uu waxba ka duwanaan waayana hadde waa inaad ogaataan in aanu idinka tashaneeno 4 sano kadib, waxaanse ku rajo weynahay in aanu maalmaha soo socdo aragno adinka oo jawaab ka bixinaya.
Waxaan amaan iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Gudoomiyaha gobolka Gedoa Mudane Maxamed Cabdi Kaliil oo ah illaa hadda Mas’uulka sida geesinimada leh iyo dhiiranaanta ugu jawaabay Major Emmanuel Chirchirs oo aan is orankaro waxa ay ku dheehneed u adeegida Bulshada Sade iyo Difaaca dadka iyo deegaankaba.
Waxaan ku soo gabagabeenayaa qoraalkayga Mudaneyaal waxaanu dhowraynaa talaabada aad qaadaan iyo sida aad u muujisaan sidaad uga midaysan tihiin hadalka kasoo yeeray afhayeenka ciidamada Kenya Major Emmanuel Chirchirs.
Wabilaahi Towfiiq.
———–
Nuur Abdulkadir Ugaas, AGGM Editor-In-Chief.

Ogaadeenka ii soo Bir tuman Bixisa weeyaane.
Barbaartii Bu’aaliyo raggii Beerka laga toogtay.
Haddii Beeylah loo qabo wallee waan is Barannaaye.
Axmadkii Balaayadaa dhigaa Baarka soo firane.
Buuryo weyn addoontii u filay Beesha uu yahaye.
Sidii Baabulaha Aar haddeer Boorka soo kiciye.
Aniguna Baraarugay wallaan Booba ridayaaye.
Billaabaha haddii aan la Baxo waa Ba’iyo hooge.
Nabaddaa dad wada Baanisaan Buur ka ridayaaye.
Bariis wada cunkiyo nimanka nacay Berrin nabaadiino.
Baasuukahaay soo dhifteen Baacsi Baa xigiye.
Dhuurtooygu iigama Baxsado wiilaan Beegsadaye.
1- Dhuurtooy, ama Xadhuun waa Geed gaagaaban oo kuyaala dhulka Waamo iyo Gedo oo aan qarin ciddii ku dhuumo is tiraahdo, waana geedka loogu magac daray { Faaf-Xadhuun } Faafaxdhuun.
war cidaan ismama qabtaan miyaa maxaytahay halbeel ookun musharaxmadaxweyne kasocda? Ayagaaba is jabinaya mayis ka sugaan ooy iska soodhexdoortaan waxa gedo gobalada dalka ka reebay oomaamul usamaysan weyday waa ismaqal la,an taan walay in taadnan kaladanbayn iyo sharci idiin gooniya samaysanayn waxad kudanbaynaysan waxan jirin waligiina helimaysan xukun ka wadan ka aad raadinaysan waayo idin kaba is jabinaya lafa abeeso ayaga laysku jabiyaa idinkaa laysku kiin jabinayaa mareexaan marka hore kaligii ha soo shiro hana la soo shirtago halka nin ee cod ahan kuhelay lkn san si mahan