Home » Faallo, News »

Doorka ay diimaha ka qaataan isfahan waaga iyo colaadda gaamurtay ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya (Q.1aad) By Aden Colujoog

Ayada oo aan xal waara laga gaarin mushkiladda mudada dheer soo jiitameysay ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, lagama yaabo in ay Soomaaliya degto!

ARAR

Muran kama taagna in markii bani’aadamka la abuurayba ay ka hoos dhasheen caqabado ad-adag oo la xariira sidii uu xal ugu heli lahaa mushkiladahaas soo wajahay, ayada oo inta badana aadanaha (humankind) iyo bay’adda uu ku nool yahay ay waligood kusoo jireen loolankaas adag ee aan dhamaadka laheyn ee uu midiba kan kale doonayay in uu kaga adkaado.

Shucuubta ku dhaqan caalamkaan aan ku nool nahay qaarkood Rabbi waxuu ku beeray dhul ay dabeecaddiisu u saamaxeyso in ay si fudud ugu noolaan karaan, halka qaar kalena uu deegaan uga dhigay dhul qaab ahaan iyo cimilo ahaanba aad u qalafsan oo ay adag tahay in si sahlan loogu noolaado.

Soomaaliya haddaba waxay ka mid tahay shucuubta uu Rabbi ku maneystay dhul deegaan ahaan iyo hawo ahaanba aad u wanaagsan oo ciddii rabta ay si sahal ah wax ugala soo bixi karto, meeshii ay rabtana degi karto ayada oo aanay soo wajahin cimilo qalafsan oo ka hor istaagta kor u qaadidda noolashiisa, balse waxuu Rabbi ku saladay mushkilooyin kale oo ay ka mid yihiin Qabyaalad iyo isfahan waa u dhaxeeya ayaga iyo qowmiyadaha kale ee uu Rabbi Bariga Afrika ku wada beeray oo ay ugu horeyso qowmiyadda Itoobiya ee ay Qarniyada badan ka talinayeen hogaamiye-yaal Masiixi ah.

Sida laga yaabo in aan inteena badan la soconaba, Soomaaliya waxaa ku dhacay Qaran jab baaxad weyn leh oo ay adag tahay in ay si sahal ah uga soo kabato haddii aanan la helin hogaamiye-yaal wadaniyiin ah oo leh aqoon fiican oo ay dalka ku hogaamiyaan, lana imaan kara aragti iyo feker ka duwan tii dalka lagu soo waday mudada dheer oo ay ka dhasheen asbaabihii hormuudka u ahaa bur-burka Soomaaliya oo ay ka midka yihiin: Dagaalo aan ka fiirsi laheyn oo dalka la galiyay waqtiyo badan, cadaalad-dari, musuq-maasuq, aqoon yari, wadaniyad xumo, qabyaalad iyo fakhri.

Qormadaan ayaa waxaan ku qaadaa dhigi doonaa dagaalkii qaraaraa ee Soomaalida iyo Itoobiya dhex maray Qarnigii 15-aad iyo doorkii ay diimaha ka ciyaareen dagaaladaas.

DAGAALKII DHEX MARAY SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA QARNIGII 15-AAD

Axmed Ibraahin oo ay Soomaalida u taqaano “Axmed Gurey), waa ninkii mudada dheer dagaalka kula jiray dalka Itoobiya, waxuuna ku dhashay magaalada Saylac abaarihii sanadku markuu haa 1507, asagoo markuu weynaadayna guursaday gabar la oran jiray Bati del Wambara oo uu dhalay Mahfuz oo ahaa barasaabkii Saylac.

Dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya Qarnigii 15-aad ayaa markii hore waxaa lagu jebiyay xoogaggii Itoobiya, taasoo keentay in marka dalka Itoobiya 4 qeybood loo qeybiyo, 3 ka mid ah ay soo gasho gacanta xoogagga muslimiinta Soomaalida ee uu horkacayay geesigii weynaa ee Axmed Ibraahin Gurey, ayadoo guuldarada kale ee Itoobiya jabkaas uga sii darnaana ay aheyd bur-burkii ku yimid hogaankii sare iyo nidaamkii boqortooyada ee dalkaas Itoobiya.

Dagaalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxuu xoogiisu bilowday kaddib markii Mahfuz oo ahaa barasaabkii Saylac la dilay sanadku markuu ahaa 1517, taasoo keentay in uu dhowr sano isku dhex yaac weyn iyo dib u dhac ku yimid taliskii Saylac oo xiligaas aheyd xaruntii muslimiinta.

Awoodda muslimiinta Soomaalida ayaa waxay dib usoo noqotay kaddib markii uu Axmed Gurey oo nin dhalinyaro ah uu dagaalku dib u bilaabay, kaasoo cagta mariyay xoogaggii Itoobiyaanka ahaa ee horay Harar u qabsaday, dabadeedna si buuxda gacanta ugu dhigay Harar oo markii danbe muddo dheer noqotay xarunta looga taliyo muslimiinta.

Intii uu dagaalka ku jiray, Axmed Gurey waxuu gaaray oo uu gacanta ku dhigay magaalada taariikhda weyn leh ee Axum oo ka tirsan dhulka sare ee Tigreega, ayada oo ay xoogaggii musliiinta ee uu Axmed Gurey horkacayayna ay halkaas ku bur-buriyeen Kaniisad taariikh weyn ku laheyd dalka Itoobiya oo la yiraahdo Church of Our Lady Mary of Zion, wixii markaas ka danbeeyayna Itoobiyaanku waxay u qeylo dirsadeen dowladda Burtaqiiska oo markaa aheyd tan kaliya ee wadamada Kiristaanka ugu xoogga weyneyd, kaddibna ciidamo gurmad ahaa ee ay dowladda Burtaqiiska usoo dirtay Itoobiya ayaa waxay dekedda Massawa ee dalka Eretrea kasoo degeen February 10, 1541.

Ciidamadaan Burtaqiiska oo uu hogaaminayay Christovao da Gama oo ahaa nin la dhashay bad mareenkii caanka ahaa ee Vasco da Gama iyo haraadigii xogaggii Itobiyaanka ee sida xun u jabay ayaa waxay soo qaadeen weerar rogaal celis ah, taasoo aakhirkii keentay in dagaaladaas weerar iyo weerar celiska ahaa ee ay labada dhinac isku qaadayeen aakhirkii lagu kala dilay Axmed Gurey oo hogaaminayay xoogaggii muslimiinta iyo Christovao da Gama oo hogaaminayay xoogaggii Itoobiyaanka oo gacan ka helayay kuwii Burtaqiiska ee gurmadka uga yimid qaaradda Yurub.

Dhimashii Axmed Gurey kaddib, waxaa isna xukunkii iyo xaaskii uu Axmed Gurey ka dhintay ee Bati del Wambara ka dhaxlay Amir Nur oo uu Axmed Gurey adeer u ahaa loona yaqiinay (Nur ibn Mujahid) oo ay laba sano ku qaadatay in uu isku duba rido ciidamadii soo jabay ee muslimiinta oo Harar iyo agagaarkeeda ku sugnaa, kaddibna waxuu dagaal culus ku qaaday mar kale Itoobiya, halkaas oo uu ku dilay boqorkii  Itoobiya ee Galawdewos.

Markiisa, Amir Nuur waxuu asna Itoobiya ka qabsaday dhul baaxad weyn leh oo uu ku jiro gobolka hadda la yiraahdo KAFFA oo sida ay taariikhda xustay uu magacaas ugu baxay kaddib markii uu Amir Nur qabsaday dhulkaas fog oo uu yiri “KAFFA” oo uu macnheedu yahay “IGU FILAN” ama “ENOUGH”.

Amir Nuur ayaa muddo kaddib mar uu Harar dib ugu soo noqday waxuu u yimid ayada oo uu dadku ku dhacay cudur faafa, taasoo uu qudhiisu ku dhacay cudurkaas oo ahaa Typhus, dabadeedna uu u dhintay.

Waxaa iyana in la xuso mudan, intii ay socdeen dagaaladaan lagu hoobtay ee u dhaxeeyay muslimiintii u badnaa Soomaalida iyo Kiristaankii u badnaa Itoobiyaanka, in ficiladii ay labada dhinac isu geysanayeen markii ay qolaba tan kale jabiso ay ahaayeen kuwo argagax leh, waayo waxaa marar badan dhacayay in qoladii meel qabsataba ay xasuuqdo cid kasta oo ay ugu imaado dhulka ay gacanta ku dhigtay oo ay u badnaayeen dumarka iyo caruurta, iyo waliba in ay bur-burin jireen goobaha ay qolo walba ku cibaadeysato sida Masaajidada iyo Kaniisadaha.  Falalka noocaas ahaa iyo kuwo kale oo kasii xun ayay isku sameyn jireen xoogaggii Soomaaliyeed iyo kuwii Itoobiyaanka ee ku kala dagaalamayay magaca Muslimka iyo kan Kiristaanka, ayada oo isla markaana aanay wax la qarin karo aheyn in ay labada dhinacba gacan buuxda ka kala heli jireen wadamada Kiristaanka iyo kuwa Muslimka ee ku kala dhaqan qaaradaha Yurub iyo Ashia.

Gebo-gebada qormadaan ayaa waxaan gundhig uga dhigayaa, in dagaaladii qaraaraa ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya Qarnigii 15-aad ay yihiin kuwo labada qowmiyadood ee dariska ah maskaxdooda ku reebay uur kutaalo iyo naceyb xad dhaaf ah oo ay midiba tan kale u hayso.

Dhanka kale, dagaaladii qaraaraa ee ay qowmiyadaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka wada galeen kaddib, waxay labada dhinacba caruurtooda baraan oo guryaha iyo Iskuuladaba lagu baraa naceyb qoto fog oo ay labada qowmiyadood ka dhaxleen dagaaladii Qarnigii 15-aad ay isaga hor yimaadeen oo ay labada dhinacba dad iyo duunyo fara badan ku waayeen.

Haddaan Soomaaliya soo qaadano, xiligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ay dalka ka talineysay waxaa Axmed Gurey taalo lagu xasuusto looga taagay Muqdisho, taasoo caruurta Soomaaliyeedna guryaha iyo Iskuuladaba lagu bari jiray taariikh la xariirta geesinimadiisii iyo casharadii lama hilmaamaanka ahaa ee uu Itoobiya baray.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in isfan waaga iyo is aamin la’aanta soo jireenka ah ee ka dhaxeysa labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Itoobiya aanan si fudud loogu badali karin isdhex-gal iyo wax wada qabsi la mid ah kuwa wadamada Yurub oo iyagoo muddo dheer soo dagaalamayay maanta albaabada isu furay, lacag iyo maamul ka dhaxeeyana sameystay.

 

Aden Colujoog
Qoraa iyo suxufi madax banaan
adencolujoog@yahoo.com.

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Doorka ay diimaha ka qaataan isfahan waaga iyo colaadda gaamurtay ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya (Q.1aad) By Aden Colujoog "

  1. Warcad says:

    Waxan u hambalyeynaya wabsiteka Allgedo oo ah wabsite xaqiiqdii ka runsheega wacyiga jira taas oo ka turjumi waxqabad kooda dhabta ah.

  2. abdi says:

    qoofka sheekadan qooray marka hore wad salaaamtahay marka labaad waxaad iloowday inay ethiopian tahay meshi ay diinta islaamku ogatimid somalia iyo in ethiopia lagusoodhaweyey dadki ilahay sharafta iyo sumcada/mamuusta kumanaystay waa asxaabti rasulkeeni udgoona (nnkh) sifican oo wanaagsan loogusodhaweyey.taas haday somalia ahaanlahayd asxaabta sharafta leh wa rer hebel ayaa luguladagaalamilaha sidi loodilay boqoolsoon inkastu asxabta rasuulka nnkh u alle ilaalsanayey.marka ha iloobin ethiopia wa mesha ay diintu kaagatimid maanta 60% wa muslim taaso 3jiibaar ku ah kuwa muslimka sheegana ee somalia kunool hadana banaystay daadinta dhiiga musliminta ilaa 1991 ilaa maanta.dagaalka ahmed gurey ee aad sheektay oo xaskisana laodhanjiray batidilwanbara wa sax laakin dagaalku ma ahayn ethiopia iyo somalia labaduba waxay ahaayeen ethiopia daxdeeda midakale xaaski lebnedangal iyadana waxa la odhanjiray seblewangal.dagaalkana waxaa laodhanjiray the conflict between christian highland kingdom and muslim lowland the cause was commercial rivalry.ahmed gragn was defeated lebnedengel at the battle of shimbirakura around 1529.axmed gargn waxaa lagudilay dagaalki wainadhega 1543 marka yan laskukhaldin taarikhda

  3. Abuufatima says:

    to (abdi)
    Cabdiyow astaan muuqataa waa ayaan xumaye
    Itoobiya abaal naguma lahan marag Ilaahaye
    Najaashina islaam buu noqdoo Eebihiis garaye
    Rasuulkuna amaan iyo cadluu qiray ayaantiise
    Kufri iyo islaam uumiyaha uuman waxa jooga
    Ruux adiga kuu yimid inaa siin amaankiisa
    Ama aad irzaaqiyo cuniyo siiso iidaanki
    Arin loo dhan yahay weeye oon ruux inkirihayne
    Mana ahanba shay iibsi gala diin Ilaahaye
    Axmed Gurey jihaad kuu amxaar ugu asqaysiiyey
    Eebahay ayaa faray kufriga ood ataaktaaye
    Hadii uurka balo kuu gashoo aadba fulayowday
    Naga aamus anagiyo amxaar eedba noo taale