Maamulka DKMG ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadleen, islamarkaan ay beeniyeen hadal dhowaan ka soo yeeray Afhayeenka ciidamada Dalka Kenya Major Emmanuel Chirchir oo ku eedeeyey Beesha SADE oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee dega Qaar ka mid ah Gobolada Koonfurta Soomaaliya in ay ka barbar dagaalanto ururka Al-Shabaab, halka beelihii kale ee gobollada Jubbooyinka ay taageereen howlgalka Kenya sida uu hadalka u dhigaye.
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtey Magaaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayuu wax lala yaabo waxaa uu ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamada Kenya, isagoo intaasi ku dareyna in aanan marnaba la aqbali karin qof isagoo ku hadlaya magaca dawladeed in uu dhaleeceeyo mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee DKMG ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli Chirchir dhawaan u sheegay wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya in inta badan Beelaha Gobollada Jubbooyinka dega ay soo dhaweeyeen howlgalkooda, raalina ka noqdeen in Shabaab laga xoreeyo magaalada Kismaayo, balse beesha Mareexaan ay wacad ku martay in ay Al-Shabaab u dagaalami doonto oo ay magaalada difaaci doonto.
Halkaan ka dhageyso shirka jaraa’id ee uu Guddoomiyaha gobolka Gedo ku qabtay Garbahaarey
————
Aden Bare, Muqdisho-Somalia.
————
Link-iga hoose waxaa ku jira jawaabtii uu Aden Colujoog ka bixiyay eedeyntii aan loo meel dayin ee dhawaan kasoo yeertay Major Emmanuel Chirchirs:

asc waxay ila tahay af hayeenka ciidan ka kenya in uu faaniyay beesha sade maxaa yeelay beesha sade waa beel aad utaqaan xeelada dagaalka oo aad iyo aad utataan dagaalada mida kale kenya hadii ay rabto in ay ciyaar ciyaar ku qabsato kismaanyo sulub badan waa uu kujajabaa ee ha ogaato kenya mataqaan dagaal
Gudomiyaha waa mahadsan yahay haba daahee!!!!
Besha Sade waa beel aad u balaaran kana mid ah beelaha Jubbaland oogu weyn ,Hadii ay Kenya cadaw ka dhigto Shidaalka iyo qorshaha ay kaleedahay somalia ayadaa taqaan cida somali ah oo jubbaland dagan oo Sade awood ku maquunisa!!!