Home » News »

Prof. Cali Ciise Cabdi “Waxaanu Diyaar U Nahay Waxqabadka Dalka Iyo Isu Keenista Umada Soomaaliyeed” (sawiro)

Kulan balaaran oo qado sharaf ah oo uu soo qaban qaabiyey Prof. Cali Ciise Cabdi oo dhowaan la socday wafdigii madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ee dhowaan soo gaaray muqdisho ayaa maanta waxaa wada yeeshay golaha sare ee dhaqanka khaatumo state, masuuliyiinta dowlad goboleedka khaatumo, xildhibaano dowlada Federaalka somalia ee kasoo jeeda degaanada khaatumo state iyo weliba marti sharaf kale oo isla deegaankaasi ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa lagu gorfanayey waxqabadkii intii ay jirtay khaatumo state iyo weliba sidii loo higsan lahaa horumarka nabada iyo midnimada umada soomaaliyeed loogu jiro sidii ay u gaari lahayd iyo weliba xog waran uu Prof. Cali Ciise Cabdi ugu waramayey labada gole ee khaatumo state iyo mudanayaasha baarlamaanka somalia ee kasoo jeeda deegaanadaasi.

Mudane cali ciise cabdi oo ugu horayntii hadalka furay ayaa daboolka ka qaaday inuu umada reer khaatumo ugu hambalyaynayo danta qaranka soomaaliyeed sida ay ugu garab taagan yihiin islamarkaana isu keenka midnimada ay hurmuudka u yihiin taasoo aan ahayn mid hada bilaabantay ee ay tahay ayuu yiri mid soo jireen ah.

Sidoo kale, mudane Cali Ciise Cabdi oo la weydiiyey imaatinka magaalada iyo ujeedkiisa inuu ka qayb gali doono dowlada cusub ee somalia ayaa carabka ku adkeeyey in midnimada horumarka nabadu ay tahay mid muqadas ah islamarkaana uu dalka ugu soo laabtay waxqabadka dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Xildhibaan Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa dhankiisa kulanka ka hadalay isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka quruxda badan islamarkaana ay soo dhoweynayaan Cali Ciise Cabdi dhamaantoodna ay diyaar u yihiin badbaadinta qaranka soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka khaatumo state Cnuur Cilmi Qaaje oo madasha hadal kasoo jeediyey ayaa dhankiisa u mahad caliyey md cali ciise cabdi islamarkaana carabaabay in tashiga khaatumo ay mar walba tahay magaalada taariikhiga ah ee taleex islamarkaana uu soo dhoweynayo inay talo wadaag talex iyo xaruntii aas aaska dowlad goboleedka khaatumo state.

Geba gebadii kulanka ayaa waxaa soo afmeeray Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo sheegay inay sharaf weyn u tahay isu imaatinkoodani islamarkaana ugu mahad celiyey md cali ciise cabdi isagoo shaaca ka qaaday in kulanka uu yahay xog waraysi golayaasha khaatumo state waxii ay qabteen intii ay jireen iyo weliba sidii la yeeli lahaa waxii iminka ka dambeeya garaadka ayaa farta ku fiiqay in madasha wada tashigu ay iyagu diyaarinayaan.

————-
Yaasiin Faytin, Muqdisho/Somalia.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.