
Madaxweynaha dalka Ugaandha ee Museveni.
Sida lagu daabacay wargeysyada wadanka Kenya, Kenya waxay dejisay inay shidaal ka baarto illaa 8-goobood oo afar ka mid ah ay ku yaalaan xeebta Lamu. Waxaana afartaasi ka mid ah illaa labo goobood oo ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ku beegan qiyaastii 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni ayaa qabanqaabinaya kulan deg deg ah oo looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa qorshaha Kenya ee ah in shidaal baaris ay ka sameyso deegaano ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana kulankan uu ka dhacayaa xarunta wadanka Uganda ee Kampala.
Sida xogta sheegeyso, Musefeni aad ayuu uga careysan yahay damaca Kenya ee shaaca laga qaaday, wuxuuna madaxweyne Musefeni saraakiisha Midowga Afrika u sheegay inuusan rabin inuu arko dagaal waji cusub leh oo gudaha Soomaaliya ka bilawda haddii Kenyanku bilaabaan baaritaanka shidaalka ku jira dhulka Soomaaliya taasina ay dhalin karto in dadweynaha Soomaalida ay kacdoon sameeyaan, Arintaasoo ay la qabaan saraakiisha sare ee Afrikaanka, gaar ahan wadamada ciidamada ka joogan sida Burundi iyo Jabuuti.
Sidoo kale dawlada Ethiopia oo ciidamadeeda ku jiraan Soomaaliya, kuma faraxsana qorshaha Kenya walow Ethiopia aysan ku jirin hawlgalka Amisom.
Danaha is diidan ee gobolka
Ilo wareedyada Raxanreeb u waramay ayaa sheegaya in ay jiraan dano iska soo horjeeda oo wadamada gobolka ka dhexeeya oo ku wajahan xaalada wadanka Soomaaliya. Uganda oo hormuud u ah ciidamada ajnabiga ee jooga Soomaaliya waxaa mashruucooda uu ku jiraa guusha hawlgalka Amisom oo caadiyan ku wajahan dagaalka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida kaasoo gadaal ay ka taageerayaan Mareykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska isla markaana lacag badan uga soo xarooto dawladaha ciidamada Amisom ka socdaan.
Waxaa jira xiriir aan aad u fiicneyn oo haddaba ka dhexeeya Uganda iyo Kenya, kaasoo sii xumaanayey tan iyo markii saraakiisha Kenya ay diideen inay hoos tagaan taliska Amisom oo Uganda ay horboodeyso. Waxaa kala duwanaanta u dhexeysa labada wadan laga dareemayaa hawlgalada Soomaaliya ka socda, tusaale ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanada Miido iyo Afmadow, Taliska Amisom iyo kuwa Kenya si kala gooni ah ayey uga hadlayeen halka uu jiray warar iskhilaafsan oo labada dhinac ay kala bixiyeen.
Kenyankan ka dagaalamaya Jubbada Hoose waxay toos ula hawlgalaan maleeshiyo beeleedyo lagu soo tababaray gudaha Kenya, kuwaasoo danahooda gaark ah wata, halka taliska Amisom ay ka walaacsan yihiin in maleeshiyo beeleedyadaasi ay gacanta u gasho Kismaayo halkii ciidan dawladeed lagu wareejin lahaa.
Si kastaba, saraakiisha xog warankan bixiyey illaa hadda ma hubaan in Midowga Afrika uu arintan soo faragelin karo walow loo arko madaxweyne Musefeni nin saameyn ku leh Afrikanka dhexdiisa, waxaase cad in Amisom aysan marnaba rabin in hawlgalkeeda Soomaaliya loo rogo waji kale oo markaasna uu fashilmo qorshaha.
————–
Qoraalkaan waxaa AOL usoo gudbiyay Bashir Mohamud, bashirmohamud@yahoo.com.


dhamaan waan idn salaameyaa walaayaal keenya iyo ugaandha waa isku hadaf waxaana ay ku heshiiyeen in ay dalka soomaaliyeed boobaan kheeyraatka dalka soomaaliyeed ugaandha iyo keyna iyo dhamaan dawladaha deriska la,ah soomaaliyeed waxaa damaca kaga jira kheyraatka dalka soomaaliyeed marka waxaa looga baahan yahay dadka soomaaliyeed in ay fahamaan hagardaamada ay wadaan dalalkan afrikaanta ah ee dalkeena ku soo duuley gaar ahaan dawladaha deriska nala ah waxaan soomaalida looga digeyaa in ay raacaan jidkii ay mareen dawaladahii hore sidaas aawgeeda waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabada iyo cadaalada iyo kala danbeynta iyo in la ilaaliyo xaquuda dadka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kunool meelaha ay joogaan ciidamada dawlada iyo kuwa afrika
Ninka maqaalkan qoray waxaad modaa nin caadhifad qabil ay ku jirto. Waxaan idin cadaynayaa inusan jirin qabiilo kismaayo ciidamo u dirsaday meeshuna ma aha meel lawada leeyahay. Walaalaha galgaduud iyo kuwa xiqdugu diley ee xamar iyo baydhabo ka soo qaylyaya waxaan oran laha ha ka waantobaan inay waxa ka socda jubooyinka iyo gedo ay soo fara gashadaan. Dadka ku dhaqan ayey u taal waxi laga yeeli badooda. Nin ku hadlaya afkii Sharif biijale iyo shariif sakiin iyo bare huuraale wax kama orankaro jubooyinka iyo gedo.