Home » News »

Masuuliyiinta Soomaalida Itoobiya ee Kililka 5aad oo Faarax Macalin Caynaya, Ra’isal wasaarihii dhintay ee Miles Zenawi-na Aabe ugu yeeraya (Daawo Video)

Shir aad u balaaran oo dhawaan lagu qabtay xarunta Ismaamulka Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya ee Jig-jiga oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta maamulkaas ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen: Horumarka uu Kililka 5aad ka gaaray dhinacyo badan, inuu Ra’isal wasaarihii dhintay ee dalka Itoobiya Miles Zenawi ahaa geesi aragti fog oo dalka Itoobiya ka baxay iyo aflagaadooyin toos ah oo loo geystay Faarax Macalin Dawara oo ah guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, kaasoo dadkii hadalayay ay ku cel-celiyeen in uu yahay “CALL BOX” hadba cidii rabta ay wax ku ridato.

Dhanka kale, qaar ka mid ah dadkii shirkaas ka hadlay ayaa waxay Miles Zenawi ku tilmaameen in uu ahaa “aabihii qowmiyadda Soomaalida”, kaasoo mudan in ay Soomaalida Itoobiya si gaar ah uga qeyb qaadato aaskiisa.

Haddaba video-ga hose fur oo ka daawo inta aan kor ku sheegnay iyo macluumaad kale oo badan:

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

9 Jawaabood " Masuuliyiinta Soomaalida Itoobiya ee Kililka 5aad oo Faarax Macalin Caynaya, Ra’isal wasaarihii dhintay ee Miles Zenawi-na Aabe ugu yeeraya (Daawo Video) "

  1. mahad says:

    dee males waa madaxweynohoodii waana ethiopian dadkani. somalidii kale ayaba males u oynaysa ee iyaka intay joogaan? faraxna inay caayaan ma aha coz fikirkiisuu ka hadlay.

  2. isak says:

    waa caadi iyo adoomadu ninkii lahaa u ooyaan ilen qof rarta oo garaaca yey rabaane. Somalidu 95 boqolkiba waa dad qiima leh oo xora kuwano kalana mamatalaan.

  3. Zaki says:

    War wuxu waa xabashi af soomaali ku hadlaysa ee madhici karto qof dhiig soomaali ku jiro inuu sidaas u hadlo…duf kubaxa xabashiyo adoomadeeda. Faaraxa ay sheegayaan soo kan adoomeeyda kismaaya ku hagaya ma’aha.. Duli fooqal duliweeeye isticmaar ku hoos kor ah…illaaheey zinaawi iyo kuwaad jeceshiin aakhira idinla soo saar aamii .

  4. aj says:

    dee waa tantoda,dada is ku tasha taya waya faarax maclin muxu u hayaa, nacasaka malin walbo aqli daradisa melah ka caytamaa, farax maclin ijaara dadaka ka so dortaya wax ha u qabto inta uusan faragalinin dada tagaya, farxa maclin waa caloshisa u shaqeyste wayaa, xuu og yahaya

  5. Abdi-qaadir says:

    Kala doorta President Abdi maxamed cumar iyo Speaker farah maálim ama ciil dartii ciida ka hoos mara.

  6. gundid says:

    Ninkani Ra’iisul wasarihiisa ayaa ka dhintay inta aad caaytameesaan ma is weeydiiseen yaa ka dhintay somalida ooneeysa oo lacagta tacsida na siiyay sida Gaas, Siilyaanyo, Caaq Faroole iy Afguduud….Anaku se Dowlad baa nahay ama aan Kenya joogno Ama DDS lakin adoo qoxooti ah in aad hadasho ma’ba banaana

    lakin waxaa ka yaabanahay kuwa dhuusamareeb, galionsoor iyo bingaale laga fara maroojiyay oo dufaacan waayay hadana ku dagaalamaya dhul uusan leheeyn sida kismaayo……….maahmaah ayaa soo baxday oo ah (hashaad siisa Mareexaan Ceeyr baa leh, hashaad dulbahante siiso Habar Jecel Baa leh) waad na ceeybeeyseen ee wax iska dhiciya walaalkaa ha’uqoora weeynaanin, intaad ku mashquul saneeydiin dadkale dhulkooda ayaa la’idiin daba maray kaad xaqa u laheeydeen, hadaad saas ku sii socotaan Raxanweeyn ayaa idanka dhaxli Gedo idinkoo oo aan dhiman……Jubaoyinka Mijin unbaad ka noqon hadaad iska waasho ee meel fog ma;gaareeysid, Adoonta ayaan kaa shaqeeysiin

  7. Aniga says:

    Walee ogaden tag saa waxaan garanayaa ogadeen oo ka faana axmaaro walee hadaad dantiina garateen maxaa horaan sidaas laydiinka waayay intad somalidan wada xasadka daba socoteen sidaas ku socda waxaa laga xunyahay wanaagiina ninkii ciil kaqabow calooshu ku xanuuntay.bravo ogadeen.

  8. abdi says:

    Miyaydaan dhegaysan Siilaanyo (waan kaxumahay geerida!!!!), Faroole (Anaga buu nagdhintay Meleze) Cajiib, Kuwan Kiliku waa ba Ethipian ayagu lama yaabin anigu maxaa yeelay Somalida Ethiopia waxabuu uqabtay runtii wax ku ool ah, marka labarbardhigo Mingistu oo isagu adoonsan jiray waxan aan uqaban jirin Somalilada, ama marka labarbardhigo dibudhaca Somalia ragaadiyay 20 kii sano ee udambaysay.

  9. A.wali says:

    Ogaden hakumashquulina dantiina karaca, ogaden wa mwadiniinta sadexda wadan ee jiiranka ah KENYA, SOMALIA ETHIOPIA wayna kataliyaan ninki kaxun ciil ha u baqtiyo. Nfd boy.