Muqdisho, Somalia (AOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa buuxiyay dhamaan shuruudihii ay soo gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka.
Kadib markuu u gudbiyay Gudiga Doorashada Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta golaha shacabka oo aheyd xaruntii la geynayay Araajida Musharaxiinta.
Wuxuuna R’iisul Wasaaruhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta gudbiyay arjigii musharaxnimo, isagoona intaasi ku daray iney guul u tahay shacabka Soomaaliyeed in Caasimada dalka ee Muqdisho lagu qabto doorashooyinka Madaxweynanimada markii ugu horaysay mudo 45 sano ah, kuwaas oo ka dhici jiray labaatankii sano ee lasoo dhaafay dalka dibadiisa.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashooda uu waxbadani ka qaban doono Arrimaha Amniga,Dhaqaalaha, Waxbarashada, Shaqo la’aan, Caafimaadka, Dib u dhiska dalka, La dagaalanka musuq maasuqa, Kana shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa arimaha Cadaalada.
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.


Bada ayuu rabaa inuu gato, faa’iido kale nooma soowado ????.
Walle hadu gulaysto gaas bada wugadan been ma ahan walhi midakale sharif sakin iyo asagabo keenya adabada kawado farmajo lagama sokeyo
bada hadii lagadanayo oo macquul ay tahay marhore ayaa lagadan lahaa oo gaas 1sano waxuu qabtay ayaa muuqda oo maanta doorashada xamar ka dhacaysa ayaa kamid ah shaqadfa gaas.
Cabdi hadalkiisa ah in doorashadani ay tahay tii ugu horaysay muddo 45 sano, waxay ku tusinaysaa inuusan aqoonsanayn doorashooyinkii dalka ka dhici jiray mudadii uu kacaanku dalka hogaaminayey, isla markaasna maskaxda uga buuxdo kuwii reer qabaa’ilka ku dhisnaa ee ????.
Cabdi-Wali waxaanan la hubin yaysan qar kaa tuurin, ee dowladii wax ku soo bartay adigoo????? ha ku ceeboobin.
acw waan idin salaamay dhamaan shaqaalaha allgedo iyo weliba soomalida oo dhan salan ka dib cabdiweli kaligiis ma ahan waxa badda looga baqayo ee dhamaantood isma dhaamaan laba sahriif hadiise badda la gato dhulkii baan wax qabsan lanahaye oo aan dilaynaa keena aqoon yahaynka ah keena caaqilka ah keena waxgaradka ah keena culimada ah marka maxaan bad ka doodnaa waan la yaabaa marka inta badan laga hadlo badaha soomaaliya iyo dhulka soomaaliya maalin walbo ayaan xabad iyo gawrac isku haynaa marka hadaan sidaan ku sii jirno bad la gato iyo dhul laqaato macno ma samaynayo isr tir ayay beesha caalamka nagu haysaa haday noqon lahayeen muslim iyo gaalaba heshiis guud bay ku gaareen inay na gumaadan oo ay xabad isugu kaaya dhiibaan marka aan iska illowno hadaanan waxba qabsan karin dalkana aanan ka dhigi karin mid nabad guud kuwada sugan min raas casayr iyo raas kambooni isu socodka iyo wada noolaanshaha mid loo wada siman yahay muwaadin kastona ku noolaan karo meeshuu rabo iyadoonan jirin qabiilaysi iyo ururaysi intaba waxaana muhiim ah inaan garan karno maxaa inoo fiican maxaase inoo xun markaasaan bad iyo dhul somaaliyed ka fakari karnaa marka soomaaliyeey yaanan is daalin hadaanan ahayn dadjira oo aduunkaba wax ku leh thanks
Wax ka macquulsan meeshan laguma dooranaayo Cabdiweli waxa kaloo dhan waa huuhaa
wax la gadanaayo ma jiraan cuqdadii cidda ka qabtay majeerteenka unbaa jirta. farmajena unbaad wax la rabtaan ee is dajiya waa laydin fahmayaaye. midna ogaada adinkaa kala jeclaysanayee wallaahi farmaajo iyo faroole iyo c/wali gaas hawiye iyo isaaq waa isugu mid ee beenta joojiya iyo baddaa la gadanayaa imisa ayuu raysulwasaare dalkan kasoo ahaa bada muu hore usoo gato maxaa c/wali beenta uga sheegeysaan.isku xishooda walaalayaal.