Goor dhaw Iskool Boliisiyo ee magaalada Muqdisho waxaa ka bilaabatay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo qarsoodi loo codeenaayo, waxaana doorashadaasi ka qeyb galaaya dhamaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa bilawday wareega 1-aad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya, in kastoo ay dib uga dhacday saacadii la doonaayay in doorashada la bilaabo.
Waxaa jiray xoogaa buuq soo kala dhex galay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, in kastoo xaaladda ay caadi isku bedashay markii dambe.
Guji Video-ga hoose oo aad si toos ah ugala socon karto qaabka ay doorashada u socoto:
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.