Home » News »

DEG DEG: Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleestay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa daqiiqado kahor soo gaba gaboobay wareegii 3-aaad ee doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoona uu guu leestay musharaxa Xasan Sheekh Maxamuud oo la tartamau Shariif Sheekh Axmed.

Gudiga doorashada in kastoo aanu weli shaacinin codadka rasmiga laakiin waxaa si aan qaris lahayn u cad inuu guuleestay musharax Xasan Sheekh Maxamed ka dib markii uu aad iyo aad ugu hormaray codadka.

Ciidamada AMISOM ayaa durba isku gadaamay Xasan Sheekh Maxamuud si ay u sugaan amaankiisa waxaana la filaayaa in xilliyada soo aadan lagu dhawaaqo.

Wixii soo kordha AOL kala soco.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " DEG DEG: Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleestay xilka madaxweynaha Soomaaliya. "

  1. G says:

    soo dhowow madaxweyne…. sadex bohal…(sheikh sharif…gaas…saakiin) ilaahay waanaga reebay….

  2. a/s
    illaah ayaa mahada leh illaaheygii si nabad ah ku dhameeyay doorashadii hadana ku gulaysiiyay nin aan lafilayn marka ilaah hakayeela mid kuwii hore kafiican marka waana filayaa inuu kafiicnaandoono
    markale ayaan u hambalyeeynayaa madaxweynaha cusub xasan sheekh maxamud waxaana leeyahay madaxweyne xil ayaad qaaday marka allaha kuu fududeeya inshaa allaah
    byeeeeeeeeeeeeeeeeeee mohammed amiin

  3. mohammed daahir says:

    madaxweyne waan kuu hambaleeynayaa inshaaallaah ilaah garabkaaga hagalo