Waxaa caawa la doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoona uu noqday Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu jeediyay khudbadii ugu horeysay markii uu xilkaan qabtay caawa.
Waxa uu kaga hadlay guusha uu gaaraysida ay suurta gal noqotay, waxaana dhanka kale uu u hambalyeeyay cid walba oo tartan la gashay, isagoona dhanka kale aad u amaanay xildhibaanada iyo gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Dhanka kale waxa uu ka cudur daartay inuu Khudbadiisa kudheeraado dadka oo aad iyo aad u daalan awgeed, waxaana uu sheegay in maalinta caleema saarkiisa uu hadli doono.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.