Waxaa goor dhaw soo gaba gaboobay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya waxaana socota tirinta codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana codadka aad iyo aad looga horeeya Shariif Sheekh Axmed.
In kastoo weli codadka ay socdaan isla markaana Sanduuq kale uu harsanyahay ayaa haatan arinta waxay u muuqataa in Shariif Sheekh Axmed laga guuleesanaayo, waxaana codadka la tiriyay haatan inta badan helay Xasan Sheekh Maxamuud.
Halka ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha waxaa ku sugan boqolaal qofood, waxaana la wada dhowrayaa natiijada kama dambeesta ee soo bixi doonto, iyadoona hadal heenta ay tahay inuu guuleesanaayo Xasan Sheekh Maxamuud.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.