Shariif Sh. Axmed oo ahaa madaxweynihii dowladdii TFG caawana laga guuleestay ayaa guul daradiisa ka dib waxa uu jeediyay khudbad uu ka;ga hadlay arimo kooban oo ku aadan qaabka ay u dhacday doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa uu hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Jawaari, waxaana sidoo kale uu u mahad naqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale sheegay inuu ku faraxsanyahay muddo badan ka dib in dalka Soomaaliya lagu qabto doorasho heerkaan oo kale ah.
Halkaan ka dhageyso Khudbaddii Shariif Sheekh Axmed.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.