Waxaa goor dhaw tanaasulay Labada musharax ee kala ah C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/qaadir cosoble xilli la filaayay in la bilaabo wareega 2-aad ee doorashada madaxweynaha lakiin waxay midaasi ka dhigtay in wareega Sedaxaad uu bilawdo iyadoo ay isku soo hareen Musharaxiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada musharax ee tanaasulay ayaa sheegay in ayka baxeen tartanka iyaga oo tilmaamay inay ku faraxsanyihiin hanaanka ay doorashada u dhaceyso iyo qaabka loo qaban qaabiyay.
Waxaa si toos ah haatan u soconaaya wareega Sedaxaad ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya iyadoona wareegaan lagu kala bixi doono Hal dhiiri dhanka codka ah.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.