Qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamayay Xilka madaxweynaha soomaaliya oo maanta Dorashadiisa ka socoto Magaalada Muqdisho ayaa ka tanasulay inay u tartamaan xilka Madaxweynaha soomaaliya .
Musharaxiintaan ayaa kala ah C/raxmaan C/shakuur Warsame , Bashiir Nuur Bidaar , Xuseen Khaliif Jaamac waxaana y soo gudbiyeen waraaq ay isku casilaayeen in kastoo mid ka mid ah uu xalay tanaasulay.
Inay Xubnahaan tanasuleen ayaa waxaa goobta ka sheegay Afhayenka gudiga doorashada Xildhibaan Cismaan Libaax , Sido kale Gudiga Doorshadaa ayaa diiday in hadi ay Dhacdo in musharaxiinta Qaarkood ay Ka Tanasulaan inay Tartmaan inay Dhahaan waxaan Codkeena ku warejinay Musharax kale .
Xildhibaanada Barlamanka ayaa sidoo kale loo diiday inay Banaanka u baxaan ama Sacab iyo Buuq ay sameyaan inta lagu guda jiro Doorashada madaxweynaha soomaaliya , waxaana Xusid mudan in Hoolka ay ka socoto doorashada ay ku jiraan ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Dowlada KMG Ah ee soomaaliya iyo Amisom .
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.