
Hambalyo ku socota madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo ay direyso Duuliye Asli Abaade.
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada (Dallas) ee gobolka (Texas), ayaa waxaa farxad weyn inoo ah inaannu aragnay is baddal wayn oo ka dhacay Dalkeenna Hooyo, iyadoo shalay ay ahayd Maalin Taariikhi ah, oo uu Waddankayaga Soomaaliya galay marxalad cusub, ka dib markii uu ka baxay (KMG) ka, uuna u gudbay Dawlad Federaal ah, isla markaana shalay oo Taariikhdu ahayd (Sept. 10, 2012) kii la doortay Madaxwayne cusub, Mudane Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo Dawladda Federaalka Soomaaliya hoggaamin doona inshaa’ Allaah, waxaan Ilaahay s.w.t. uga baryeynaa inuu u fududeeyo xilkaa wayn oo dhabarka u saaran, lana garab qabto, inshaa’ Allaah.
Haddaba Jaalle Madaxwayne, waxa’ aannu kaa sugnaaba ama kaa codsannaaba, waa inaad aad iyo aad ugu kuur gashaa soo xulitaanka Ra’ iisul Wasaare, noogu dooratidna Mas’uul u qalma Ra’ iisul Wasaarennimo, kartideeda iyo waaya aragnimadeedana leh, oo aad iska kaashataan ka samata-bixinta dhibaatada ku daba dheeraatay Shacabkayaga Soomaaliyeed, annagoo kaa rajeyneyna Mas’ uulkaa inuu noqdo, Mas’ uul sumcad wayn ku leh Shacabka Soomaaliyeed, taageersanyihiinna waxqabadkiisa iyo Tayadiisuba.
Kolleyba waannu aragnaa inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, iyo ku-xigeennadiisuba, iyo in badan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ay Tayo wanaagsan leeyihiin, iyo Adigoo Jaalle Madaxwayne Tayo aad u wanaagsan leh, kuna kasbatay taariikhdaada iyo waxqabadkaagii waynaa ee aad ka geysatay Dalkeenna Hooyo intii uu bur-burka ku sugnaa ee 22 sannadood sii caga-cageynayey.
Ilaahay s.w.t. waxaan inooga wada rajeynayaa, inuu khayrka ina waafajiyo, aamiin.
Caraftii Nabaddaa Inoo Curataye
Asli Abade




Mar Hadduu Ilaah naga Hor duway Hororki boobaayey.
Waa inaan Ilaah baa Hodmane Hoos u barinnaaye.
Xasan sheekh Halloo Hagar baxoo Hoona Ha la siiyo.
Innana waa inaan Heello iyo Heesba tumannaaye.
Oo aan wada Hab siinnaa raggaa ina Hogaanshaaye.
U Hiilliya Halyeeygaasi waan ku Hodmi doonnaaye.
Labadii Habaar qabana waay ina Habsaansheene.
Waa inaay Harraad ugu dhintaan Heeyjad iyo duure.
Haawiyada naar waa inaay Harac u doontaane!
Hurgunkay dhigeen bay dunidi weli Hulaaqdaaye.
Waa inaan Habaaskood la arag Haatan dabadeede.
Hambariirsi waa inuu dilaa Ha Hurdo seegeene!