Waxaa saakay markii uu waaga baryay isu soo bax ka dhigay wadanka Australia, gaar ahaan magaalada Brisbane, kaasoo loogu hambalyeeynaayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii sida dimoqraadiga ahayd ee ka dhacday magaalada Muqdisho.Isu soo baxaan oo uu ka hadlay madaxa jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia Eftiin Ibraahim Maxamed ayaa waxaa uu u hambalyeeyay madaxweynaha cusub oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin da’diisu aan aad u weneyn oo hadana leh aqoon isla markaana aan dambi ka galin wadanka.Marka waxaan leenahay “madaxweyne waxaa laguu doortay xil aad u adag ee hadii aan nahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Brisbane Illaah hakuu fududeeyo hawsha balaaran ee laguu dhiibay”, waxana kale oo aan ku leenahay “madaxweyne iska jir sida kuwii kaa horeeyay loogu eedaynaayay isku xayndaabka qabiil dadkaagana hakuu wada sinaadeena”, mida kalena waxaanu ku leenahay “wasiirkaaga koowaad waa in aad kusoo xulataa sida adiga aad ku timid oo kale ee aad u eegin qabiil.”Intaas kaddib, waxaa isu soo baxaas asna ka hadlay Maxamed Kaliif Magan oo asagana ka mid ah xubnaha gudiga iyo haweenka Soomaaliyeed oo dhamaantood ugu baaqay madaxweynaha cusaub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud inuu Ilaah u fududeeyo xilkaas culus ee loo dhiibay.
Dadkii kasoo qeyb galay isu soo baxaas lagu taageerayay madaxwynaha cusub ee Soomaliya ayaa waxaa ka mid ahaa:
1. Eftiin Ibraahim
2. Maxamed Kalif
3. Sheekh C/risaaq Xasan Aadan
4. Macalin Colaad
5. Adan Ibrahim Nuur
6. Cilmiya Sheekh Cali
7. Xasan Mooge Nuur
8. Sheekh C/laahi Shiraar
9. Sahra Colaad
10. Muraayo Shiraar
11. Ruqiyo Nuure
12. Saynab Abukar
13. Rumaano Sheekh Cismaan.
Wabilaahi towfiiq.
———–
Maxamed Ibrahim Daahir (Maxamed Amiin), Brisbane/Australia
shirwac_35@yahoo.com
shirwac_35@yahoo.com

Dadweeyna Somaliyedow waa na daashada nin intaan sacab ku so dhawena oo aan dorana hadana Hantideena Dhaco. xiisa badan uma qabna arimaha noocaas oo kale ah. Waxanu rabnaa qof wax qabad leh.
Xasan sheekh waxuu maclin ii ahaa muda 3.5 yrs ah mda badana waan garanayay.waxaan lee yahay ilaah haa ka dhigo kii la sugayay.
waad mahadsan tihiin dhamaantiiba