Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoow ayaa aad usoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku guuleestay doorashada madaxweynaha.
Faroole ayaa sheegay in guul aad u weyn ay tahay in madaxweynaha Soomaaliya uu noqdo Xasan Sheekh Maxamed oo uu sheegay in wada shaqeen iyo wax qabad looga fadhiyo.
C/raxmaan Faroole ayaa horay u sheegay in Shariif Sheekh Axmed hadii uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya aanay aqbali dooni, lakiin nasiib wanaag waxaa xilkaasi ku guuleestay Xasan Sheekh Maxamuud.
Halkaan ka dhageyso Hadalka C/raxmaan Faroole.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.