Home » News »

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud (Dhageyso)

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa hambalyo maanta u diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku guuleestay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Farmaajo ayaa shegay in uu Ilaahay madaxweynaha u fududeeyo xilkaasi aadka u culus, waxaana uu sheegay in ay tahay guul soo hoyatay.

Farmaajo waxaa kaloo uu sheegay in doorashadii xorta aheyd ee jawigii nabad gelyo ku dhamaatay ee ka dhacday Muqdisho ay aheyd mid taariikhi ah, isagoona shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan madaxweynaha Soomaaliya.

  Halkaan ka dhageyso Shir saxaafadeedka Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

————
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho/Soomaaliya.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.