Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala eegtay Qarax Ismiidaamin ah halkaa oo uu deganyahay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaraxyadaan ayaa waxaa ka dambeeyay rag walxaha Qarxa isku soo xiray, waxaana ay rabeen inay hotelka gudaha u galaan.
Halka weerarkaas lagu qaadaayay waxaa ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka socday Kenya oo uu hogaaminaayay wasiirka arimaha dibada Kenya.
3 ka mid ah ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi ku geeriyooday, iyadoona dhaawac kale uu jiro.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.