Home » News »

Dibad baxyo lagu taageeraayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad baxyo lagu taageeraayay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Banaanbaxyadana waxaa dhigaayay kumanaan qof oo shacab ah, iyadoona dadka shacabka ah ay sheegeen in ay aad u taageersanyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynaha umada Soomaaliyeed.

Dadka shacabka ah ayaa socod waxay kusoo mareen meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaan ay ruxaayeen calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sidoo kale sawirada Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeen dadkaan ayaa isugu yimidi meel fagaaro ah waxaana ay ugu baaqeen madaxweynaha in uu iska ilaaliyo dad ay sheegeen inay yihiin kuwo nabadda kasoo horjeeda.

 

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.