Home » News »

Gudoomiyaha baarklamaanka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday maalinta loo caleema saaraayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay waqtiga ay dhaceyso xaflada caleema saarka Madaxweynaha Cusub iyo waliba xil lawareegitaanka madaxweynaha cusub Xaruunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Prof Max,ed Cismaan.Jawaari ayaa wariyayaasha u sheegay in maalinta Axada ee soo socota Magaalada Muqdisho lagu qaban doono xaflada caleema saarka madaxweyaha cusub ee soomaliya Prof Xasan Sh. Maxamuud waxaana gudoomiyaha Barlamanka uu uga mahadceliyay Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Ah Shariif sheekh axmed sida hagaagsan ee uu u soo dhaweyay uguna qabcay doorashada madaxweyaha cusub ee Soomaaliya.

“Maalinta Axada ee soo socota waxaa dhacaaya xafaladii caleema saarka oo ay ku dhex jirto xil wareejinta madaxweynihii hore”ayuu yiri Prof.Jawaari

Gudoomiye jawaari waxaa uu sheegay in shir labada mas’uul dhexmaray oo ay xaalada isbadalka dalku galay kaga wada hadleen iyo sida loo sii wadi karo howlaha Qabyada ah .

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.