Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan xasaasi ah oo ay wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxaana kulanka looga hadlay arimo badan.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray arimo badan oo ku saabsan xaaladda wadanka Soomaaliya iyo sidoo loo garab istaagi lahaa dowladda Soomaaliyeed ee haatan cusub.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa u ka dalabaday Shariif Sheekh Axmed in si hagar la’aan ah uu ula shaqeeyo madaxweynaha cusub ee dowaldda Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa u balan qaaday madaxweynaha Soomaaliya uu ula shaqeen doono qaab hagar la’aaneed, iyadoona kulanka uu kusoo gaba gaboobay jawi aad u degan.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.