Home » Faallo »

Socdaalkeygii Kenya iyo 12 sano oo isbadal ah – By Adam Abdi Abuzuhri

Assalaamu Calaykum.  Waad salaaman tihiin dhamaan walaalaha qeymaha badan ee ku xiran websitekan qaayaha badan.

By Adam Abdi Abuzuhri
abuzuhri1@gmail.com
—————————
Maanta iyo maqaalkeena, wuxuu ku saabsan yahay safar 2 bilood ah oo aan ku tagay wadanka Kenya 12 sano kadib.

Kenya iyo xaaladeeda, waxaad kala socotaan Televisionada Soomaalida oo xarun ka dhigtey xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi, laakinse waxaan isku dayayaa inaan kaa siiyo sawir ka yara balaaran.

Qofkii Kenya booqasha kutagey isagoo kayimid wadamad Europe iyo kuwa hormaray ee xaafada Eastleigh hotel kadagey, umalaynmaayo inuu sawir fiican ka soo qaatay Kenya.

Walaal inta aad maqaalkaan akhrinaysaan waxaad maskaxda kuhaysaan noolasha Soomaalida Ethiopia  iyo hormarka ay kutilaabsadeen!.

Isbadal ganacsi

Waagii hore, ganacsiga Soomaalida wuxuu ahaa garab-rarato kaganacsato dharka, bagaashka noocyadiisa kala duwan iyo xawaalado oo intooda badan ahaa kontorobaan oo haddii uu boolisku qabto ay ubadneyd inay dhacaan. Intaas waxaa dheereyd, wuxuu ahaa ganacsi khasaarihiisu aad ubadnaa oo dadku qaarbaa suuqa soo galaya iyo kuwa kalane way kasiibaxayaan!

Suuqa iminka waa kadaganyahay, ganacsatadana aad ayaad umooda inay kamiro dhaliyeen oo waxaad arkaysaa ayagoo meelkale sii furaya.

Dadku waxay maalgalin kusameeyeen hantiga maguurtada ah, gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo ganacsi ay aad u adag (complicated business) oo ay Soomaalida horey usameyn jirin.

Ganacsatada Soomaaliyeed markii uhoraysay taariikhda wadanka Kenya ayaa loo aqoonsadey inay kamid yihiin canshuur bixiyaasha ay dowladu kuxisaabtamayso, islamarkaasna shaqo siiyey kumanaan dadka reer Kenya.

Inkasta oo ay xaafada Eastleigh aad u burbursantahay oo aysan laheyn wadooyin iyo adeegyo badan hadana waxaa loo aqoonsaday inay tahay ‘rug ganacsi’oo muhiin ah, taas oo dowlada ku qasbi doonto inay wax kaqabato dhibaatooyinka hortaagan hormarinta ganacsiga xaafadaas.

Dhamaan shirkadaha busaska, lamaha kala duwan ee bankiyada, shirkadaha diyaarada iyo kuwa adeegyada boostada, intaba waxay laamo kafurteen xaafada Eastleigh.

Nidaam waxbarasho oo isbadal keeney

Hormarka Soomaalida waxaa ka mid ah ayagoo layimid nidaam waxbarasho oo markii uhoraysay suurto galiyey inay kumanaan caruurta Soomaaliyeed kubiiraan jaamacahada wadanka. Nidaamkan oo dhamaan iskuulada dabaqey hormar gaarsiiyey waxaa loo yaqaan “Intergrating system” oo ilmaha labarayo diinta iyo maadooyinka cilmiga.

Nidaamkan waxbarasho ayaad mooda inuu caruurta ku abuurey xamaasad waxbarasho iyo tartan dhexdooda.

Nin kamid ah ganacsatada Soomaalida ayaa igu yiri “Sanadkan ardayda jaamacada wax afur ah uma aanan geyn waayo waxay kor udhaafeen 4000. Fadligaas Allaha ka sii kow waa iskuulada ay Soomaalida kafuratay xaafada Eastleigh oo caruurta kubaasaan A+.

Mar aan tagey magaalada Mombasa oo ardayda kujirta kuliyada caafimaadka lacag afur ah loo aruurinaayey waxaa tiradooda lagu sheegey inay boqolaal ahaayeen,ubadan Soomaali.

Kaqeybgalka Siyaasada 

Marka laga yimaado wasiirada Soomaaliyeed ee dowlada kujira, waxaa kale oo ay Soomaalida hogaaminayaan hay’ado muhiim ah. Waxaa kale oo xusid mudan raga ku jira siyaasada waa dhallinyaro aqoonyahano ah oo aad uda’yar,meesha ay waagii hore ahaan odayaal ay luuqada English ee baarlamaanka looga hadlo.

Gudiga doorashooyinka sanadkan oo ah mid xoog badan, waxaa madax ka ah wiil Soomaaliyeed.

Kenya waxay go’aansatey inay samaysato dastuur aad uhormarsan oo aan Africa oo dhan ka jirin. Dastuurkaas oo mardhow laga fara xashey oo aad loola dhacsanyahay, waxaa qoray sharci-yaqaano uu horkacayo wiil Soomaaliyeed.

Hay’ad xoog badan ee ladagaalanka musuq-maasuqa ladagay oo cidii ay farta ku fiiqdo lala kacayo, waxaa madax ka ah wiil Soomaaliyeed.

Maadama ay Kenya noqotey wadan dastuurka hogaaminaya, maxkamada sare ninka ugu sareeya ninka ku xiga waa wiil Soomaaliyeed.

Safiirada ufadhiyo wadamo badan oo muhiim ah iyo kuwa ujooga hay’adaha qaramada midoobay waa Soomaali.

Hogaanka diinta wadanka 

Sanadihii 90-2000, Muslimiinta Kenya waxaa madaxa kahaystey, gaar ahaan bisha Ramadanka iyo ciidaha, nin la oron jirey chief Qaadi oo saldhigiisu yahay Mombasa oo usamaysnaa kala geynta Muslimiinta.

Maanta xarunta laga hogaamiyo Muslimiinta Kenya waa gudi culima ah oo saldhigoodu yahay masaajidka weyn ee Jamia Mosque; gudigaas boqolkiiba 90% waa culimo Soomaaliyeed.

Jaamacada Islaami ah iyo macaahidka wadanka laga hirgaliyey 12kii sano ee lasoo dhaafay waxaa gacanta kuhayo Soomaali.

Dhanka Saxaafada 

Jaraa’idka wadanka ugu afdheer sida  daily nation iyo Standard, waxaa kashaqeeya wariyaal Soomaaliyeed oo aad loo jecelyahay. Boga hore, waxaad had iyo jeer ka akhrinaysaa warbixin kusaabsan Somalia iyo Soomaalida. Sidoo kale, televisionka wadanka waxaa jooga dhallinyaro Soomaaliyeed.

Geela Soomaaliyeed oo gaarey 

Waayadii hore, haddii aad joogtid Nairobi oo aad doonaysid caano geel waa inaad sugta gaariga saakey ka soo baxaya maalada Gaarisa oo laga yaabo inuu nagaado.Maantase geela Soomaaliyeed wuxuu daaqaya duleedka magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi.

Wadada dheer ee isku xirto Mombasa iyo Nairobi geelu wuxuu u daadsan yahay sidii adigoo jooga Somalia. Ganacsadayaal badan ayaa bilaabay inay samaystaan geel ay caanihiisa soo cabaan xiliyada fasaxyada. Waxaa kale oo la’ii sheegey inuu geela Soomaaliyeed gaaray xaduuda Kenya iyo Tanzania.

Su’aalo laga weydiyey jaaliyada reer Qatar 

Dad badan oo igu ogaa inaan jiro wadamada Carta ayaa igu waalay su’aalo ay kamid ahaayeen:Maxaad lacag wadataa? Caruurta imisa jeer ayey Qur’aanka kuu dhameeyeen?  Carabi iyo diin makuu barteen?

Su’aalahaas oo runtii aad uxanuun badnaa waxaan ugu jawaabay su’aalo kale:

Weligiin ma aragteen wiil soomaaliyeed oo kudhashey wadamada Carabta oo diin soo bartay oo ku biiray culimada Soomaaliyeed?

Weligiin ma aragteen wiil soomaaliyeed oo kudhashey wadamada Carabta oo ganacsade naajix ah? Weligiin ma aragteen wiil soomaaliyeed oo kudhashey wadamada Carabta oo xanbaarsan hami siyaasadeed iyo wax kanoqda wadankiisa?

Walaalyaal anigoo warka dheereeyey, wixii talo iyo tusaale ah waxaad iigu soo hagaajinkartaan abuzuhri1@gmail.com.

Inta aan mar kale kulmi doona waxaan idinleeyahay ‘Soomaali ha is raacdo.’

———
Adam Abdi Abuzuhri
abuzuhri1@gmail.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Socdaalkeygii Kenya iyo 12 sano oo isbadal ah – By Adam Abdi Abuzuhri "

  1. Aden says:

    Walaal waa qoraal dhaxal gal ah ee Allaha kaa abaal-mariyo

  2. egal says:

    Qoraalkaan wuxuu u ekyahey qoraal uu qorey nin cilmaani ah oo ey aad ugu dheh milmey rer galbeed. Aden waan aqaan markii igu war danbeyseyna wuxuu joogey carabaha. marak hadii Aden madey oo wadan islaam jooga uu saa u badelmey alaha noo naxariisto kuwayaga Yurub iyo America jooga.