Home » Archive Daily September 13th, 2012
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lasoo kala tusay madaxtooyada (Dhageyso)
Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedaralka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa lasoo kala tusay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana soo kala tusay Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa madaxweynaha waxa uu gudoonsiiyay Saacad dahab ah taa oo hadiyad ah iyo waxyaabo kale.
Waxaa halkaasi khudbado ka kala jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana...
Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in dhawaan ay la wareegi doonaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gedo (Dhageyso).
Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada aagaga dagaalka ee Gobalka Gedo ayaa AOL u sheegay in dhawaan ay la wareegi doonaan degmooyinka Baardheere iyo Buur dhuubo ee gobalkaasi Gedo.
Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in hadda ay dhalatay dowladda cusub sidaa darteedna ay sii wadi doonaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.
Dhanka kale waxa uu aad usoo dhaweeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh...
Golaha Wasiirada oo Maanta Hambalyo u Diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya (Dhageyso)
(Muqdisho, Khamiis, September, 13, 2012) Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa waxaana shir- guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, iyo isbedelada Siyaasadeed ee dhacayey maalmihii ugu danbeeyey.
Ugu horayntii goluhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin...
Shabakadda Saadaal media (saadaal.com) oo la weerarary hawadana ka maqan
HACKERS aan ujeedadooda la garan ayaa waxay dhawaan weerar ku qaadeen Database-kii Shabakadda Saadaal.com, taasoo ay ku bur-buriyeen dhamaan Faylashii muhiimka ahaa ee Shabakadaas.
Maamulka Shabakadda Saadaal ayaa waxuu akhriste-yaashiisa ku war gelinayaa in aanay ilaa iyo hadda ogeyn sababta keentay in ay HACKERS-ka sida gaarka ah u bar-tilmaameedsadaan Saadaal Media.
Sidoo kale, farsamo yaqaanada...
