Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedaralka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa lasoo kala tusay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana soo kala tusay Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa madaxweynaha waxa uu gudoonsiiyay Saacad dahab ah taa oo hadiyad ah iyo waxyaabo kale.
Waxaa halkaasi khudbado ka kala jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana hadalka ku hormaray Shariif Sheekh Axmed oo kusoo dhaweeyay madaxtooyada madaxweynaha cusub.
Madaxweynaha cusub ayaa dhankiisa u balan qaaday dhamaan shaqaalaha madaxtooyada in aanay meesha ka tagi doonin shaqaakihii hore ee madaxtooyada shaqadoodana ay sii wadan doonaan.
Halkaan ka dhageyso Hadalada Mas’uuliyiintaan.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

sir fakatay, governortooraha faroole dr taxsiile o wasiirkii hore abdiraaxman xoosh jibriil taleefon udirey asago ku cadaadiyey inu sharci daro ku sheego madaxweynaha jamhuuriyada somaliya iyo gudoomiyaha baarlamanka somaliya o somali dhan sheegtay in si dimuqraadiyda loo doortay halkey faroolaahan lacagtii burcadbadeeda dooratay,,, waxa lashegey in u raisalwasaare la rabo koo aakuliste ah o beeshiisa ciise riyoole kaso jeeda si u faroole dr taxsiile uga amarqaato waa riyooday riyoolahii.