Home » News »

Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in dhawaan ay la wareegi doonaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gedo (Dhageyso).

Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada aagaga dagaalka ee Gobalka Gedo ayaa AOL u sheegay in dhawaan ay la wareegi doonaan degmooyinka Baardheere iyo Buur dhuubo ee gobalkaasi Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in hadda ay dhalatay dowladda cusub sidaa darteedna ay sii wadi doonaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhanka kale waxa uu aad usoo dhaweeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay in uu ka rajeynaayo in uu aad u saacido ciidamada dowladda.

  Halkaan ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.